WARBIXIN: Sideed Waxyaabood Oo Go’aamin Doona Guusha Iyo Guuldarada

Real Madrid iyo Barcelona waxay Sabtida isku arkayaan garoonka Alfredo di Stefano kulanka horyaalka La Liga ee El Clasico. Hadaba waxaan eegi doonaa todoba waxyaabood oo go’aamin kara natiijada ciyaarta El Clasico.

Natiijooyin Fiican Oo Isku Xigxiga

Labada kooxba waxay ku riyaaqayaan natiijooyin aad u fiican. Guuldaradii ugu danbeysay ee Real Madrid soo gaarta waxay aheyd 30kii Janaayo markaasoo ay ka badisay Levante, tan iyo markaas waxay badiyeen 11 kulan halka ay barbaro galeen labo kulan. Markii ugu danbeysay ee Barcelona ay guuldarro dhadhamiso waxay aheyd 16kii Febraayo oo ay ka badisay PSG.

Jawiga Kooxaha

Madaama ay natiijooyin fiican ku soo riyaaqeen labada kooxood ayaa ku jira jawi aad u fiican ka hor kulanka El Clasico, inkastoo guushii 3-1 ee ay ka gaareen Liverpool ay Real Madrid ka dhigtay inay caadka sarre mareyso.

Qaar ka mid ah ciyaartoydooda ayaa dib u helay kalsooni gaar ahaan Vinicius Jr ka dib labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Anfield ka dhisan.

Barcelona waxay ku dhibtootay inay ka badiso Real Valladolid taasoo wax yar hoos u dhigi karta kalsoonidooda.

Xaaladooda taam ahaansho

Waxay u muuqayaa waqtigaan inay muhiim tahay sida ay ciyaartoyda Real Madrid uga soo kabsan karaan kulankiii adkaa ee Champions League.

Kulankii ay ka badiyeen Liverpool wuxuu ku yeelan karaa saameyn labo dhinac ah, mar waxay ka heleen kalsooni weyn mar kalena waxay kala kulmeen daal badan halka Barcelona ay nasatay todobaadkan taasoo faa’ido weyn u ah.

Difaaca

Labada kooxood waxay uruursadeen dhaawacyo daafac iyadoo Real Madrid aysan ku tashan karin Dani Carvajal, Sergio Ramos ama Raphael Varane.

Sidaasi oo ay tahay kulankii ay la ciyaareen Liverpool, Lucas Vazquez, Eder Militao iyo Nacho Fernandes waxay cadeeyeen inay yihiin bedelkii ku haboonaa seddexaad xiddig, waxayna u muuqdaan kuwa ka adag daafaca ay Barcelona soo safi karto Sabtida.

Kooxda Ronald Koeman waxay ku tiirsan tahay joogitaanka Gerard Pique iyo inuu hogaamiyo kooxda laakiin daafacaan ayaa ah mid aan si joogta ah u dheeli karin xilli ciyaareedkan.

Khadka dhexe

Goobtaan waa halka lagu go’aansan doono ciyaarta. Labada kooxood waxay heystaan xiddigo waa weyn oo khadka dhexe ah. Kooxdii awood u yeelata inay dejiso laxanka ciyaarta ayaa heli doonta faa’idada ciyaarta.

Seddexda xiddig ee Real Madrid Casermiro, Kroos iyo Modric ayaa haatan u muuqda kuwa aan la garaaci karin.

Si kastaba, Barcelona waxay heysataa Busquets, De Jong iyo Pedri kuwaasoo iyagana awood u leh inay maamulaan ciyaarta.

Weerarka

Dembele, Messi iyo Griezmann waxay ahaayeen kuwa goolal looga tashan karo marka loo eego Vinicius Jr, Benzema iyo Asensio inkastoo xiddigaha Los Blancos ay haatan ku jiraan qaab ciyaareed fiican.

Wax walba waxay ku xirnaan doontaa haddii Messi ay u tahay maalintiisa, haddii ay taasi dhacdo Barcelona kala bar ayay u jirtaa guusha. haddii uu Messi aamuso markaas Real Madrid ayaa ugu cadcad guusha.

Shaqsiyaadka

Ciyaaryahanadda Barcelona waxay awood u leeyihiin inay isku dheelitirka ka dhumiyaan daafac walba. Messi ayaa ah xiddiga ugu weyn ee sidaas sameeya halka Ousmane Dembele uu isna khabiir ku yahay fursad abuurista. Barcelona waxay wax badan ka sugi doontaa labadaan ciyaaryahan.

Wadajir kooxeedka

Real Madrid si koox ahaan ayay u wada shaqeeyaan. Daafac hal mar ayay u soo wada degaan halka weerarka ay ku qaadaan si nidaamsan.

Waxay taasi kaga fiican yihiin Barcelona oo haatan uun bilaabeysa inay koox aan si wadajir ah wax u qabsadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More