Wargeysyada Spain Oo Hal Xiddig Ku Eedeeyay Ceebtii Real

Real Madrid ayaa guuldarro lama filaan ah kala kulantay kooxda Shakhtar Donetsk kulankoodii furitaanka xilli ciyaareedka Champions League, iyadoo wargeysyada Spain ay mas’uuliyada guuldarada dusha u saariyeen kaliya hal ciyaaryahan.

Wargeyska Marca oo ka soo baxa caasimada Spain ayaa tilmaamay Marcelo uu sabab u ahaa guuldarada iyagoo xitaa ka hoos mariyay tababare Zinedine Zidane oo wax badan qalday xalay.

Waxay xiddiga reer Spain ku qiimeeyeen kaalinta 15aad ee 15kii qof ee Real Madrid ee ka qeyb qaatay guuldaradii ka soo gaartay kooxda reer Ukraine isagoo hal boos ka hooseeyay tababare Zinedine Zidane.

Los Blancos ayaa guuldarro lama filaan ah ay ku soo gaartay gurigooda xilli maalmo ka hor sidoo kale ay guuldarro ka soo gaartay kooxda ku cusub La Liga ee Cadiz weliba iyadoo la joogo garoonkooda ku meel gaarka ah.

Madrid oo ugu cadcadeyd kulankaan madaama Shakhtar ay 13 xiddig uga maqnaayeen Korona Fayras dartiis, ayaa 3-0 lagu hogaaminayay qeybtii koowaad ee ciyaarta.

Wargeyska Marca ayaa weerar qaawan ku qaaday Marcelo iyagoo sheegay inaan looga fadhinin xiddiga reer Brazil inuu kubad difaacdo, waxayna ku taliyeen in kaliya la ciyaarsiiyo kulamada Copa del Rey.

Waxay sheegeen inay tahay wax laga murugoodo in xiddiga reer Brazil uu si weyn hoos uga dhacay heerkii uu joogi jiray.

Marcelo ayaa booska daafaca bdiix wuxuu kula tartamayaa Ferland Mendy ka dib markii Sergio Reguilon laga iibiyay Tottenham xagaagan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More