Xaqiiqooyinkii La Diiwaangeliyey, Xiddigii Garoonka Iyo Qiimaynta

Eddie Nketiah ayaa noqday shimbirka loosoo diray Arsenal ee dhibicda uga keenay Fulham oo isku diyaarinaysay in ay u dabbaal-degto guul muhiim ugu ahayd in ay ka badbaado in ay dib ugu dhacdo heerka labaad.

Kooxda tababare Scott Parker ayaa ciyaarta bilaabatay iyadoo toddoba dhibcood ka hoosaysa khadka cas, isla markaana u baahan in ay soo qabato kooxda toddbada dhibcood ka sarraysa si ay ugu sii negaan karto horyaalka Premier League, waxaana lagaga naxsaday gool uu Dani Ceballos dhaliyey qaybta hore, laakiin uu meesha ka saaray VAR.

Qaybta dambe oo waxyar socota ayuu Josh Maja rikoodhe hoggaanka ugu dhiibay Fulham, waxaanay ciyaaartu 1-0 ahayd illaa laga gaadhayey daqiiqaddii 97aad, markaas oo uu laacibka da’da yar ee Eddie Nketiah oo beddel kusoo galay uu Arsenal u dhaliyey goolka barbarraha.

Xaqiiqooyinkii laga diiwaangeliyey ciyaarta

Arsenal ayaan wax guul-darro ah kala kulmin Fulham iyadoo gurigeeda joogta dhamaan 30kii ciyaarood ee ugu dambeeyey, kuwaas oo ay badisay 24 ka mid ah iyo 6 ay barbarro keentay.Fulham wax guul ah may helin dhamaan 23kii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee ay iska hor yimaaddeen Arsenal, waxaana laga badiyey 18 mar iyo 5 barbarro ah.Arsenal ayaa noqotay kooxda labaad ee goolasha ugu badan ka dhalisay Fulham daqiiqadda 90aad ama kaddib, waxaanay sidan samaysay lix kulan, halka Liverpool ay tahay kooxda koowaad ee toddoba ciyaarood oo horyaalka Premier League ah ka dhalisay Fulham toddoba gool, ciyaarta oo maraysa daqiiqaddii 90aad ama kaddib.Goolka barbarraha ee Arsenal ay dhalisay, ayaa waxa uu u diiwaangeliyey natiijo la mid ah halkii ay taagnaayeen xilli ciyaareedkii hore. 32 kulan oo ay xilli ciyaareedkan dheeshay ayay ka heshay 46 dhibcood, sidaas oo kale ayay ahaayeen xilli ciyaareedkii horena.

Xiddigii garoonka

Joachim Andersen oo ka tirsan Fulham ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa kulanka, kaddib markii uu difaacani la tacaalay weeraryahannada Arsenal, una diiday in shabaqiisa ay gaadhaan illaa daqiiqaddii ugu dambaysay.

Andersen oo la hadlay Sky Sports ciyaarta kaddib ayaa sheegay in uu niyad-jabsan yahay sababtoo ah saddex dhibcood oo muhiim u ahaa kooxdiisa oo ay waayeen daqiiqaddii ugu dambaysay.

“Waanu niyad-jabsanahay, sababtoo ah waxa goolka la naga dhaliyey waqtigii Liverpool oo kale, gool nacasnimo ah oo waqtigaas lagaa dhaliyo ayaa wax  beddelaya.”

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More