XARAASH: PSG Oo SAGAAL Ciyaartoy U Iibinaysa Sabab La Xidhiidha

0

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo warramayaa in ay iibinayso sagaal ka mid ah ciyaartoyda kooxdeeda  koowaad, si ay u qanciso hal ciyaartoy oo laf-dhuungashay ku noqday.

Kooxda haysata horyaalka Ligue 1 ayaa maalgelin badan samaysay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana lacagtan laga soo faqayey qasnadda Qoyska Boqortooyada Qatar, laakiin hadda qorshahooda wax badan ayaa iska beddelaya, waxaanay doonaysaa in ay soo afjaraan hawshii maalgelinta oo ay kooxdu isku filnaato.

Madaxweynaha kooxda ee Nasser Al-Khelaifi ayay u taallaa hawl-adag oo ah inuu kooxda kusii hayo Kylian Mbappe oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaskiisa, kaas oo isku arkaya inay tahay inuu helo saami la mid ah midka Neymar oo mushahar waalli ah ka qaata PSG.

22 jirkan ayay 12 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka qandaraaskiisa Parc des Princes, waxaana lala xidhiidhinayaa kooxda reer Spain ee Real Madrid oo doonaysa in ay la wareegto xagaagan amaba si xor ah ku qaadato sannad kaddib haddii uu heshiis cusub u saxeexi waayo PSG.

Kooxda reer France ayaa heshiisyo cusub ka saxeexday xiddigaha ay ka mid yihiin Neymar, Angel di Maria, Keylor Navas, Julian Draxler iyo Juan Bernat, laakiin waxa hadhsan Mbappe.

Sida uu qoray wargeyska L’Equipe, PSG ayay tirada ciyaartoydeedu gaadheen 39 ciyaartoy, waxaanay u baahan yihiin in ay dersin ciyaartooyo ah meesha ka saaraan.

Wargeyska ayaa sheegay in PSG ay doonayso inay Kylian Mbappe u bandhigto mushahar la mid ah ka uu Neymar qaato, taas oo ay rumaysan tahay inay ku qancin karo si uu usii joogo, taas oo si ay u hirgeliso ay iibisinayso dersin ka mid ah ciyaartoydeeda.

Alphonse Areola oo horyaalka Premier League ka degay ayaa waxa raacaya Abdou Diallo, Thilo Kehrer, Leandro Paredes, Idrissa Gueye iyo Rahinta Alcantara.

Waxa kale oo raacaya Mauro Icardi, Pablo Sarabia iyo Arnaud Kalimuendo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More