Xiddigii Garoonka Ee Lama Filaanka Ahaa, Fadeexaddii Neymar

Manchester United waxay guul muhiim ah ka gaadhay kooxda finalka Champions League tagtay xili ciyaareedkii hore ee PSG oo ay marti ugu ahayd magaalada Paris.

Bruno Fernandes ayaa hoggaanka u dhiibay Manchester United daqiiqaddii 23aad, waxaana uu gool u beddelay rikoodhe loo dhigay markii ay difaaca PSG qalad ku galeen Anthony Martial.

Qaybtii hore ee ciyaarta oo ay United firfircooni lahayd isla markaana ay sirta isku-xidhka iyo dhamaystirku ka xumaa PSG ayaa waxay keentay in 1-0 ay ciyaartu kusoo dhamaato.

Anthony Martial ayaa gool madax ah iska dhaliyey daqiiqaddii 55aad ee ciyaarta markii uu goolkiisa ku leexiyey kubbad koorne ahayd oo lasoo laaday.

Ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayay Manchester United heshay goolka guusha oo uu u saxeexay Marcus Rashford, isaga oo kubbad uu ka helay Pogba hore ugula qaaday dhawr tallaabo dhinaca goolka PSG, kaddibna laag awood badan la miciinsaday, taas oo goolhaye Navas oo arkaya u weydaaratay dhinaca goolkiisa.

Guul-darradan ayaa PSG u noqotay middii ugu horreysay ee gurigeeda kasoo gaadha marxaladda Groups-ka ee tartanka Champions League tan iyo sannadkii 2004.

Xiddigii Garoonka

Axel Tuanzebe oo difaaca uga ciyaarayay Manchester United, kulankiisii ugu horreeyey kusoo bilowday tan iyo sannadkii 2019kii ayaa jeebadda gashaday Neymar iyo Kylian Mbappe, isaga oo sii raaciyey Di Maria oo isaguna usoo dhowaan weeyey xerada ganaaxa.

Tuanzebe ayaa kasoo baxay shaqadii loo igmaday ee ahayd inuu buuxiyo booska uu dhaawaca kaga maqan yahay Harry Maguire, kaas oo ay dad badan saluugsanaayeen tayadiisa markii ay ciyaartu bilaabmaysay, hase yeeshee dhamaadkii ciyaarta, qof walba waxa uu la yaabay wacdaraha uu dhigay Axel Tuanzebe.

Laacibkan ayaa qiimayntii kulanka ka noqday kan ugu sarreeya, isaga oo helay darajada 8 oo ay ka midaysnaayeen goolhaye De Gea, Wan-Bissaka, McTominay iyo Rashford oo iyaguna min 8 ka helay qiimaynta kulanka, laakiin shaqada uu qabtay Axel Tuanzebe ayaa ahayd mid naf hurnimo leh oo ku ilaaliyey shabaqiisa marka laga reebo goolka uu Martial iska dhaliyey.

Manchester United ayay ciyaartoygeedu aad u fiicnaayeen, waxaana shanta qiimaynta ka helay darajada 8 soo raaciyey lix kale oo iyaguna min 7 ka helay qiimayn, taas oo muujinaysa sida ay ciyaartoydu u wanaagsanaayeen.

Laacibiintii fashilmay

Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa ciyaarta ku fashilmay waxaanay awoodi kari waayeen inay difaaca Manchester United farsamayn karaan oo ay kooxdooda guul-darro ka badbaadiyaan.

Neymar iyo Mbappe ayaa qiimaynta ugu hoosaysa garoonka la siiyey, waxaanay u dhaceen darajada 5, balse laba ciyaartoy oo kale oo ah kuwii ugu soo bilowday PSG ayaa iyaguna qiimayntan xun la wadaagay.

Kooxda reer France waxa loogu qaatay oo ugu wanaagsanaa goolhaye Keylor Navas.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

PSG: Keylor Navas (7), Florenzi (6), Diallo (5), Kimpembe (6), Kurzawa (6); Gueye (5), Danilo (6), Ander Herrera (6), Di Maria (6), Mbappe (5), Neymar (5)

Beddeka: Kean (5), Rafinha (5), Sarabia (5)

Man Utd: De Gea (8), Wan-Bissaka (8), Lindelof (7), Tuanzebe (8), Shaw (7), Telles (7), Fred (7), McTominay (8), Fernandes (7), Rashford (8), Martial (7)

Beddelka: Pogba (7), Van De Beek (N/A), James (N/A)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More