XOG: Heshiiska Oo Maanta Lagu Dhawaaqi Karo, Haddii Uu Tababarka Ka

Waxa meel xasaasi ah maraya wararka sheegaya heshiiska uu daafaca dhexe ee French-ka ah ee Raphael Varane kaga tagayo Real Madrid isla markaana ugu biirayo kooxda Premier League ee Manchester United.

Warar saaka kasoo baxay saxaafada Spain qaar kamid ah ayaa sheegay in Varane uusan tababar la qaadanayn xiddigaha kale ee kooxda isla markaana dhammaan ciyaaryahanadii loogu talo-galay inay tababarka qaataan uu kaligii ka maqan yahay.

Xog kale oo uu haatan shaaciyay saxafi Fabrizio Romano ayuu ku sheegay in Varane uu tababarka la qaadanayo kooxda oo uu ixtiraam u muujinayo Los Blancos oo uu 10 sano usoo ciyaarayay balse uu caddaystay doonistiisa ah inuu ku biiro Man United.

Romano ayaa intaas ku daray in heshiiska uu Varane ugu biirayo Man United uu yahay mid lagu sii dhawaanayo isla markaana labada kooxood ay horumar ka samaynayaan inay dhammeeyaan heshiiska iyaga dhex maraya.

Dhinaciisa wargeyska Cuatro ayaa sheegay in Man United iyo Real ay heshiis 42 Milyan oo pound ah isla meel dhigeen isla markaana ay macquul tahay in heshiis rasmi ah maanta la shaaciyo.

Si kastaba ha ahaatee, wararka oo dhan ayaa ah kuwo haatan sheegaya in Varane uu yahay ciyaaryahan Man United ah oo kaliya wakhtigu ka xigo in si rasmi ah loo shaaciyo heshiiskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More