YAABKA YAABKII: Xiddig Ku Biiray Kooxdii Kasoo Horjeeday Iyadoo

Kubadda cagta ayaa ah mid mucjisooyinkeeda wadata iyadoo ay macquul tahay in kulan kasta lagu arko arrimo uu la gaar yahay oo uu kaga duwan yahay kuwa kale.

Kulan saaxiibtinimo oo ka horreeya xilli ciyaareedka oo dhex maray kooxaha Bristol City iyo Portsmouth ayaa kusoo dhammaaday bar-bardhac 3-3 ah balse sida bar-bardhacaasi ku yimid ayaa ahayd qaab ugub ah oo aan hore loo arag.

Bristol City ayaa ah koox loo tixgelin karo mid aad u gacan furan kaddib markii ay kulanka dhexdiisa ciyaaryahan ku amaahiyeen Portsmouth kahor inta uusan isla ciyaaryahankaasi goolka bar-bardhaca ka dhalinin.

Portsmouth ayaa ahayd mid ay dhaawacyo badani ku haleeleen garoonka dhexdiisa taas oo ka dhigtay kuwo 10 ciyaaryahan oo kaliya ku dhex haysta ciyaarta isla markaana sababtay inay Bristol City ku dhaqaaqdo falkaas gadaal iyaga kusoo laba kacleeyay.

Bristol ayaa da’yarkeeda garabka weerar ee Marlee Francois amaah ku siisay Portsmouth garoonka dhexdiisa, 18 sano jirkaas oo kooxda kasoo horjeeday garankeeda xidhay 11 daqiiqona u ciyaarayay ayaa goolka bar-bardhaca keenay kulankana ka dhigay 3-3.

Iyadoo aan wax muuqaal ah laga duubayn kulanka ayay labada kooxoodba bartooda Twitter-ka qaab kaftan iyo yaab ka muuqdo ugu sheegeen in xiddiga ay garoonka ku kala qaateen uu sababay inay bar-bardhac ku kala bixi waayeen.

“Gooal, Marlee Francois ayaa gool u dhaliyay Portsmouth, haa si sax ah ayaad u akhrisay qoraalka” ayaa lagu soo qoray bogga Bristol City oo xataa dadka u sheegay inaysan indhahoodu waxay akhriyeen ka shakiyin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More