Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Kylian Mbappe, Lionel Messi

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo la sheegayo in kooxdiisu ay lasoo saxeexanayso xagaaga, waxaanu sidoo kale soo qaaday mustaqbalka Lionel Messi iyo Sergio Ramos oo heshiisyadooda Barcelona ay iyo Real Madrid ay ku eg yihiin xagaaga.

Kylian Mbappe oo sannad iyo bilo ka  hadhsan yihiin qandaraaska uu kula jiro PSG ayaa iska diiday in uu qandaraas cusub saxeexo, waxaanay wararku sheegayaan in uu go’aan ku gaadhay in uu iskaga tago kooxda, iyadoo uu doortay Santiago Bernabeu.

Zinedine Zidane ayaa shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaarta Barcelona ee habeen dambe, waxa lagu weydiiyey Kylian Mbappe iyo haddii ay kooxdiisu doonayso, waxaanu ku jawaabay:”Anigu waan aqaanaa isaga, si fiican ayaananu isku garanaynaa laakiin hadda ciyaartoygayda maaha, waxna kama odhan karayo. Wa ciyaartoy wanaagsan, waanaynu arki doonaa waxa uu doonayo in uu sameeyo mustaqbalka, balse aniga taasi hadda ima qusayso.”

Muxuu ka yidhi Ramos iyo Messi?

Waxa kale oo Zinedine Zidane wax alga weydiiyey kabtanka kooxdiisa ee Sergio Ramos oo heshiiskiisa ka hadhsan yihiin saddex bilood, illaa haddana aanay isla gaadhin qandaraas cusub, lalana xidhiidhinayo bixitaan.

Zidane waxa uu qiray in aanay wali kooxdiisu heshiis cusub la gaadhin Ramos, wuxuuse ku rajo weyn yahay in uu sii joogayo.

Sidaas  oo kale, waxa uu rajeeyey in kabtanka Barcelona ee Lionel Messi uu sannado kale sii joogo Camp Nou, iyadoo sida Ramos oo kale heshiiskiisu u dhamaanayo.

Mar la weydiiyey haddii Ramos aanu dib dambe u ciyaari doonin Clasico iyo haddii Messi ay u tahay ciyaartii ugu dambaysay ee Clasico ah ee uu dheelo, waxa uu ku jawaabay: “Waxa aan rajaynayaa in aanay sidaas noqonin. Ramos ma ciyaarayo berri, waana wax laga xumaado laakiin waxaanu rajaynaynaa in uu sii joogo halkan.”

Arrinta Messi ayaa uu iyadana ka  yidhi: “Messi waxaan rajaynayaa  in uu sii joogo Barcelona. Wuu ku faraxsan yahay halkaa. Sii joogitaankiisu waxay u wanaagsan tahay horyaalka LaLiga.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More