Zinedine Zidane Oo Ku Dhawaaqay Xiddigaha Real Madrid Ee

Sergio Ramos ayaa laga reebay liiska ciyaartoyda Real Madrid ee habeen dambe ka hor tegi doona Shakhtar Donetsk oo ay isku haleelayaan kulanka horreeya ee xili ciyaareedkan tartanka Champions League.

Kabtan Ramos ayaa ku maqnaan doona dhaawac kasoo gaadhay kulankii Cadiz ay 1-0 kaga adkaatay Sabtidii, taas oo uu baxay waqtigii nasashada, waxaana markii hore la filayay inuu awoodi doono inuu ciyaari doono kulanka Arbacada ay kooxdiisu ku qaabilayso naadiga reer Ukrain ee Shakhtar, hase yeeshee waxa uu awoodi kari waayey inuu ciyaartoyda kooxdiisa la qaato tababarkii Salaasada maanta.

Tababare Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyey in Ramos aanay khatar ku gelin doonin ciyaartan, waxaase ay filayaan inuu taam usoo noqon doono ciyaarta El Clasico ee ay Sabtida martida ugu noqon doonaan Barcelona.

Ramos ayaa ganaax kaga maqnaa Real Madrid kulankii ugu dambeeyey xili ciyaareedkii hore oo wareeggii 16ka ay guul-darro xanuun badan usoo xambaarisay Manchester City bishii August, waxaana kulankani uu u yahay midkii labaad oo xidhiidh ah oo uu maqan yahay.

Waxa kale oo Real Madrid dhaawac kaga maqan Dani Carvajal, Eden Hazard, Martin Odegaard iyo Alvaro Odriozola, taas oo ka dhigan in shan difaac oo kaliya uu haysto Zidane.

Mariano oo tababarka kusoo laabtay Salaasadii si dhibaato la’aan ahna u dhamaystay ayuu Zidane ka reebay liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Shakhtar Donetsk.

Tababare Zidane oo shaaciyey xiddigaha kulanka Shakhtar ayaa waxa uu soo qaaday shanta difaac ee Nacho, Militao, Varane, Marcelo iyo Mendy maadaama aanu wax kale haysanin.

Akhriso liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Shakhtar Donetsk:

Goolka: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Difaaca: Nacho Rodriguez, Eder Militao, Raphael Varane, Marcelo, Ferland Mendy.

Dhexda: Casemiro, Toni Kroos, Luka Modric, Isco, Fede Valverde.

Weerarka: Karim Benzema, Luka Jovic, Marco Asensio, Vinicius Jr, Rodrygo Goes, Lucas Vazquez.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More