Wararka ka imaanaya Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in askari kasoo goostay Al Shabaab iskuna soo dhiibay ciidanka Maamulka Jubbaland dib ugu laabtay Al Shabaab kadib markii uu dil u geestay Askari katirsan Jubbaland.

Cabdi Yare Xasan oo horey uga tirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab ayaa isku dhiibay ciidanka Maamulka Jubbaland, waxaana ninkan markii dambe la geeyay kana mid ahaa ilaalada Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Degmada Balad Xaawo.

Ninkan kasoo goostay Al Shabaab ayaa xalay askari kale oo katirsanaa ciidanka Jubbaland ka codsady in ay meel isku raacaan, waxaana markii dambe la sheegay in uu askariga dilay horeyna usii qaatay qorigiisa isaga oo raacay rag katirsan Al Shabaab oo sugayay.

Degmada Balad Xaawo waxaa hada ka taagan xiisad ka dhalatay dilka uu geestay ninkan kasoo goodstay Al Shabaab, waxaana maamulka degmada Balad Xaawo ku dhagan yihiin dadkii damiintay ninkan dilka geestay.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan soo bandhigay rag ay sheegeen in ay kasoo goosteen Al Shabaab, waxaana xusid mudan in nin kasoo goostay Al Shababa uu horey u dilay Taliyhii ciidanka Nabad Sugida Jubbaland Ciise Kambooni oo lagu dilay Kismaayo.