Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa maanta kulan qado u sameeyay Xildhibaanada iyo Wasiirada ee ka soo jeeda Koofur Galbeed.

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Hoyga Guddoomiye Mursal, waxaa kulanka ka dhex muuqday Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Ujeedka kulanka ayaa ahaa arrimaha doorashada Koofur Galbeed iyo xaaladaha ka jira Baydhabo, waxaana intii kulanka socday laga dooday caqabadaha ku horgudban Doorashada Koofur Galbeed, waxaana Xildhibaanada qaar ku dhaliileen Guddoomiye Mursal sida uu uga gaabiyay arrimaha masiirka Koofur Galbeed.

Sidoo kale Xildhibaanada qaar ayaa si cad u sheegay in dowladda Federaalka ay faragelin ku heyso doorashada, isla markaana ay kala faquuqeyso Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyaha.

Ugu dambeyn kullankooda kasoo saareyn qodabadaan hoos ku xusan,

  • In ay ka dhacdo Doorasho Xur iyo Xalaal ah
  • Ineysan jiri doonin qof gaar ah oo laga reebaayo Doorashada
  • Ciidanka Xamar laga rarey in ay tahay qalad.

Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa kusii jeeda indhaha Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda kasoo jeeda maamulkaasi waxaana laga dhur sugayaa sida ay wax u dhacaan.