Doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay.

Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, kaddib markii uu helay 38 cod.

Abukaataha oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka mid ahaan doona muddo Shan sano ah Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland.

Natiijada doorashada;

Abuukaate Cabdicasiis Cabdulaahi 38cod.

General Cabdicasiis Gacamey13cod.

Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaam 14cod

Waxaa xumaaday hal cod.

Doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntlaand ayaa goor dhow billaabnaysa,sida uu guddigu sheegay.