War ka soo baxay Al-shabaab ayey ku sheegteen in ay dagaal kula wareegeen degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Al-shabab ayaa sheegay in dagaal socday muddo kooban ay Ciidamada Al-shabaab gudaha u galeen Magaalada.

Cali Maxamed Aadan,Taliyaha Saldhigga Booliska Qoryooley ayaa Idaacadda Mustaqbal u sheegay in dagaalkaas uu dhacay xalay fiidkii islamarkaana Ciidamada dowladda ay iska celiyeen AL-shabaab.

Waxaa uu intaas ku daray in Al-shabab ay ka been abuurteen qabsashada Magaalada Qoryooley,waxaana uu intaas raaciyay in kaliya ay weerar soo qaadeen lagana celiyay degmada.

Waxaa uu Taliye Cali sheegay in saddex Qof ay ku dhaawacmeen weerarkaas,kuwaas oo ahaa Haween,waxaa uu meesha ka saaray in dhinacooda uu khasaare ka soo gaaray weerarkaas.

Cali Maxamed Aadan, ayaa sheegay in Ciidanka AL-shabaab ee weeraray Qoryooley ay tiradoodu dhameyd 15 Nin,waxaana uu beeniyay qabsashada magaalada.