Al shabaab aya war kasoo saaray weerar xalay Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanayo kuwo Mareykan ah ku qaadeen Saldhigooda Degmada Janaale.

Warkan lagu daabacay barta taageerta ururka alshababa ayaa waxa ay guulo ugu sheegteen  weerar xalay  ay ciidamada dowalada Somalia & Mareykanka ku qaadeen degmada Janaale oo katirsan degmooyinka ay maamulaan urruka alshabab.

Alshabab ayaa waxa ay sheegteen in ay iska caabiyeen weerarka ay ku qaadeen ciidamada dowalada Somalia & Mareykanka iyagoo intaas ku daray in diyaaradaha Drone-ka  ee dowladda Mareykanka ay duqeeyeen guryo dad shacab ah deganyihiin.

Ururka Alshabab  ayaa sheegtay inay fashiliyeen isku dayga weerarkaasi qorsheysnaa ee Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida ay ku qaadeen Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose.

Ilaa iyo iminka Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida, balse arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo muddooyinkii dambe Ciidamada Mareykanka ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Ururka alshabab Shabaab.