Saraakiisha Kenya ayaa sheegay  in la dilay hal qof dhowr askari oo booliis ahna la dhaawacay kadib markii  xubno lagu  tuhunsan yahay  Al-Shabaab ay  weerareen kolonyo baabuur ah oo dowladda Kenya ay leedahay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya Mwenda Njoka ayaa sheegay in gawaarida booliiska ah la weeraray ay maraayeen inta  u dhexeeysa magaalada Mombasa iyo  Lamu .

Waxaa uu sheegay in Weerarka ay geysteen dabley hubeysan oo watay qoryaha culus.

Waxaa uu sheegay in hadda ay baaritaano lagu baadi goobaayo Kooxihii soo weeraray gaadiidka ciidamada booliska ay waddaan, islamarkaana si weyn loo adkeeyay Amniga Wadada xiriirisa Mombasa iyo Laamu.

Al-Shabaab ayaa waxa ay ku dhawaaqdeen dagaal ka dhan ah dowladda Kenya Sanadkii 2011-kii Markii ciidamada dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.

Labadii sano ee la soo dhaafay, Al-Shabaab waxay diiradda saareen weerarrada gobollada Kenya ee ku yaalla  xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya  iyo Kenya