Arsenal's Chilean striker Alexis Sanchez celebrates scoring the second goal during the English Premier League football match between Arsenal and Sunderland at the Emirates Stadium in London on May 16, 2017. / AFP PHOTO / Adrian DENNIS / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. / (Photo credit should read ADRIAN DENNIS/AFP/Getty Images)

Alexis Sanchez ma uusan la safrin kooxda Arsenal ee Bournemouth mana ciyaari doono Axada Premier League.

Alexis Sanchez, Naby Keita iyo Theo Walcott oo mustaqbalkoodu saaran yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa ugu horreyn doona waxyaabaha aan diiradda saari doono.

Alexis Sanchez oo Arsenal ka tirsan ayaa waxaa saxiixiisa isku heysta kooxaha Liverpool, Manchester United iyo Manchester City.

Ciyaaryahankaan ka tirsan kooxda kubada cagta Arsenal ayaa wuxuu kusii dhawaanayaa inuu ku biiro saacadaha soo aadan, naadiga Manchester United, ee ka dhisan dalka Ingiriiska.

Warar ayaa sheegaya in Sanchez, uu ka haray ciyaartoyda kooxda Arsenal ee ka dheeleysa galabnimada maanta oo Axad ah, naadiga Bournemouth, oo ay la ciyaari doonto kulan EPL ka tirsan.

Tani ayaa waxaa ay sii xoojineysaa sheekada ku aadan in Sanchez, uu qarka u saaryahan inuu ku biiro Man United, maanta oo Axad ah.

Maamulaha Manchester United ee Jose Mourinho oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu xaqiijiyey inay xiiseynayaa Sanchez, isagoona ku tilmaamey ciyaaryahan aan caadi ahayn.

Naby Keita ayaa lagu soo waramayaa inuu kusoo jeedo Liverpool, iyadoo xiddigaan uu xilli hore imaan doono Anfield Road.

Theo Walcott ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ka tago kooxda Arsenal, Everton ayaana ugu horreysa kooxaha doonaya.

Kooxda PSG ayaa dooneysa inay gacanta kusoo dhigto kubadsameeyaha reer Ivory Coast Jean Michael Seri kaasoo xagaagii lasoo dhaafay ku dhowaaday inuu ku biiro Barcelona.

Xavi-ga Africa ayaa ka tegi doona kooxda Nice inta lagu jiro bishaan, shabakadda Le Parisien ayaana sheegeysa inay PSG gudbisay xiisaha ay u qabto xiddigaan, kaasoo laga yaabo inay soo xerogeliso inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub ee bishaan Jannaayo.

Sikastaba, sheeko walba oo ku saabsan mustaqbalka Sanchez, oo ah tan hada ugu hadalheynta badan dhamaan ciyaaryaha waxaad kala socon doontaa iygoo deg deg ah, Shabakadena Insha Allah.