Guddoomiyaha Aqalka sare ee Dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland.

Cabdi Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo.

C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa.

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood]  ayaa ah Xildhibaan mudo saddex jeer usoo tartamay Kursiga Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland [2014, 2015 iyo 2019].

Dhoobo-daarood ayaa doorashadii 2014 ku haray wareegga kowaad, waxa uu haddana isku soo taagay xilkan 2015 markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Saciid Xasan Shire, balse waxaa ka adkaadey Axmed Cali Xaashi.

Waxa uu kursiga Xildhibaanimo kasoo galay gobolka Sanaag, ayadoo manta uu ku guuleystay kuriga Gudoomiyahay Golaha Wakiilada Puntland.

Puntland ayaa todobaadka soo socda dooran doonta Madaxweyne, waxaana doorashada Madaxweynaha u tartamaya in ka badan 20 musharax uu ku jiro Madaxweyne C/weli Gaas oo doonaya in mar kale loo doorto Madaxtinimada Puntland.