Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in uu mar wada hadal la yeeshay maamulka sare ee Old Trafford si uu Man United uga badalo  Sir Alex Ferguson,laakiin uu Arsenal ugu danbeyn door biday.

Wenger iyo Ferguson ayaa saaxiibo aad isugu wanaagsan ahaa shantii xili ciyaareed ee ugu horeysay Ferguson uu Premier League ka howl galayay,laakiin labada macalin ayaa ugu danbeyn bilaabay in ay si aan caadi ahayn u xafiilyamaan.

Tababarihii hore ee Red Devills Ferguson ayaa 2001 ku dhawaaqay in uu shaqada kooxda isaga dhaqaaqi doono dhamaadka ololihii 2001/2002,United ayaana xiligaasi bilaawday ugaarsiga tababare badal u noqda Ferguson oo ugu horeeyay Sven-Goran Eriksson.

Si kastaba ha’ahaatee Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in uu la kulmay gudoomiyihii xiligaasi Manchester United ee Martin Edwards isla markaana ay kawada hadleen sidii uu Old Trafford ku imaan lahaa,laakiin uu Arsenal ku sii nagaaday.

Arsene Wenger oo la hadlayay warbaahinta ayaa yiri”haa waxaan la kulmay Martin Edwards”.

“dad badan ayaa jeclaa in ay halkaasi igu arkaan,laakiin waxaa daacad u ahaa kooxdeyd,waxaan ku faraxsanahay intaasi aysan dhicin,hadii ay dhici lahayd waxaan weyn lahayn qeyb kamid ah taariikhda macalink caalami ah”.

Safarka Arsenal ay Axada ku tagi doonto Old Trafford ayaa noqon doona kii ugu danbeeyay ee Wenger uu ku tago masraxa riyada isagoo tababare ah,maadaama uu shaaciyay in dhamaadka xili ciyaareedka uu iska casili doono shaqada uu Emirates ka hayo.

Wenger ayaa sadex horyaal oo Premier League ah ku hogaamiyay Arsenal ku dhawaad 22 sano uu kooxdaasi hogaaminayay,waxaana uu sadexdaasi horyaal Wenger qaaday sideedii sano ee ugu horeysay uu Arsenal maamulayay.