Waxaa laga yaabaa in ay qaarkiin ila yaabaan balse baaqeygan maanta waa xaq, xaqanna haddii uu qaraar yahay xitaa waa la sheegaa.

Sidaas darteed, farriinteyda wada aqri, haddii aad ku qanacdidna sii faafi walaal.
Waxaan halkan baaq niyaddeyda ka soo go’ay uga soo jeedinayaa ODAYAASHA DHAQANKA, CULUMAA’UDIINKA iyo SIYAASIYIINTA beelaha MUDULOOD, MURUSADE & MADARKICIS, waxaana ugu baaqayaa in ay GOGOL NABADEED oo DIB U HESHIISIIN ah dhigaan

Magaalada Muqdisho.

Marka 1aad waa in ay iyaga ka heshiiyaan colaaddii dhex martay horraantii sagaashamaadkii, isla qaataan nabad iyo wadanoolaansho ku dhisan walaaltinimo iyo isjaceyl.

Marka 2aad waa in ay gogol nabadeed u dhigaan Soomaalida inteeda kale, kuna dadaalaan in laga heshiiyo wax walba oo dhacay inta ay doonaanba hala ekaadaan e.

BAAQAN waxaa iga keenay xanuun iyo qalbi gubasho ay igu heyso dhibaatada mar walba ka dhaceysa Magaalada Muqdisho oo ay sababteeda ugu weyni tahay bulshadii oo aan isku duubneyn iyo cadow naxariis laawi ah oo ka faa’iideysanaya kala qeybsanaantaas bulshada, una diidaya nolol iyo hana qaad midna.

Seddaxdan beelood ee aan xusay waa kuwa ugu waaweyn hubka, dhaqaalaha iyo siyaasaddaba, la’aantood aysan Muqdisho talo u go’in loona goyn karin. Dad badan oo isla beelahan ah ayaa hubka uu gacanta ugu jiraa iyaga oo aan rabitaan hub u heysan oo balse la’ damaanad qaad amni iyo mid nabadeed. Taas darteed, waxaa hubaal ah in haddii laga heshiiyo sababta hubka loo heysto, hubkana la maareyn kari lahaa, ammaankana wax weyn laga qaban kari lahaa.

Si taasi loo gaaro, waxaa habboon in xaalka si dhab ah loo eego oo meesha ay arrinta jirto runta laga abbaaro. Anigana fikirkeyga shaqsiga ah waxaa uu i tusay in sida ugu habboon ee ay wax isku bedeli karaan ay tahay in ay heshiiyaan beelaha MUDULOOD, MURUSADE & MADARKICIS, kana heshiiyaan wixii u rahman ee ah dhibaato bulshada dhex martay ee aan horey looga heshiin, kuwaas oo keenaya in aan la is aaminin oo cid walba gaar u hubeysnaato. Haddii ay beelahan heshiiyaan Soomaali inteeda kale oo dhan waxaa ay ku gowracan tahay heshiiskoodaas, waana mid noqon kara furaha nabadda aan maanta baadi goobeyno.

Waxaa laga yaabaa in aad ila yaabban tahay, balse aan dib u jalleecno TUSAALIHII SOMALILAND & PUNTLAND iyo sababta ay maamulladaas u noqdeen kuwo shaqeeya oo ka gudba culeysyo badan oo hakin lahaa!

Puntland iyo Somaliland sababta ay nabadda uga dhalatay ma aheyn in nabaddaasi ay dhaliyeen maamullada ka jira, ee inta aan maamulladaas la dhisin ka hor ayey bulshada deggan ka heshiiyeen wixii dhex maray. Nabaddaasi waxaa ay ku timid dib u heshiisiin dhab ah oo dhex martay beelaha deegaanadaasi deggan, kuwaas oo si dhab ah u wada hadlay, runta isu sheegay, is xaalmariyey, iscafiyey, kuna heshiiyay in ay wada noolaadaan.

SOMALILAND?

1991-dii Shirweynihii Burco ee ay ku heshiiyeen beelaha Somaliland, waxaa markii hore Gogol gaar ah isu dhigtay beelaha uu ka kooban yahay tolka ISAAQ, iyaga ayaa wada hadlay oo heshiiyey, markii ay ka heshiiyeen gudahood ayey haddana gogol u dhigteen beesha Dir inteeda kale, sida Samaroon/Gudabiirsi, Ciise iyo Gabooye, inta kale ee degta Somaliland.

Markaas kaddibna Beelaha Dirta waqooyi oo isku duubban ayaa si wada jir ah gogol ugu casuumeen beelaha Daarood ee la degga deegaanada Somaliland, sida Dhulbahante iyo Warsangali, iyo inta la halmaasha.

Markii ay intaasba si dhab ah u wada hadleen, ka heshiiyeen wixii la kala gocanayey, ayey isla gaareen heshiiska ay illaa maanta nabadda ku tahay Somaliland. Maamulkana waxaa la dhisay markii ay beelaha heshiiyeen kaddib, waxaana lagu dhisay wadahadal iyo ka talo galin cid walba oo deegaankaas ah laga talo galiyey.

PUNTLAND?

1998-ddii, xilligii la dhisayey Puntland, la iskama dhisin, dhisidda waxaa ka horreeyey gogol dib u heshiisiineed oo marxalado ka kala duwan soo martay. Dadkii lahaa fikradda lagu dhisay maamulka Puntland waxaa ay sameeyeen dadaal socday muddo ka badan sanad oo mirihiisa uu noqday in la dhiso maamulka Puntland.

Wejiga 1aad ee dib u heshiisiin waxaa isa soo arkay oo soo heshiiyay beelaha Maxamuud Saleebaan ee ka mid ah tolka Majeerteen, kaddib ayey gogol ugu yeerteen oo ay isla fadhiisteen beelaha kale ee ka midka ah Majeerteen.

Markii ay Majeerteen dhexdooda ka heshiiyeen ayey gogol ugu yeerteen Beesha Harti inteeda kale ee ay ugu horreeyeen Dhulbahante iyo Warsangali, markii uu Harti dhexdiisa ka heshiiyey ayaa haddna ay beesha Harti oo isku duubban gogol guud u dhigeen dhammaan beelaha kale ee Puntland la deggan, sidaas ayaa lagu heshiiyey, maantana uu ku dhisan yahay maamulka 20 sano jirsaday ee Puntland.

HADDABA!

Maxaa diidaya in ay beelaha MUDULOOD, MADARKICIS iyo MURUSADE inta ay gogol dhigtaan, dhexdooda ka heshiiyaan oo ay is cafiyaan, isa saamaxaan, kaddibna Beelweynta Hawiye inteeda kale gogol u dhigaan, heshiiyaan, iscafiyaan, kaddibna Soomaalida inteeda kale gogol u dhigaan oo ay dhahaan walaalayaalow aan heshiinno, aan iscafinno, aan u walaalowno badbaadinta dalkeena?

Ma jirtaa wax ka xanuun badan in canug yar 9 jir ah oo iskuul ka timid in maanta Muqdisho lagu dilo oo haddana laga gilgilan waayo? Ma jirtaa wax ka xanuun badan in gabar ardayad ah oo fasal dhex fadhida inta loogu soo galo lagu dhex dilo xiisaddeedii dhexdeeda oo haddana la waayo wax cuqaal ah oo ka gilgisha? Ma jirtaa wax ka xanuun badan in dadka Muqdisho ku nool oo dhan ay cabsi darteed wax shaqo ah aysan qabsan karin haddana aan la helin qof u dhaqaaqa inuu xaaladdaas wax ka beddelo? Ma waanu jirin geesi dadka isu keeniddooda, heshiisiintooda iyo walaaleyntooda taariikhda ku gali kara? Ma waxgaradka ayaan damqasho laheyn? Maxaa naga si ah walaalayaalow?

Dhammaan arrimaha aan ka hadlay, WALLAAHI, BILLAAHI, TALLAAHI ayaan ku dhaartaye haddii 50 madaxweyne hadda kaddib loo soo doorto Soomaaliya in aysan waxba ka qaban karin inta ay dib u heshiisiintu maqan tahay.

Inta ay dadku qoryaha guryahooda ku heystaan ee ay doonayaan in ay si shaqsi shaqsi ah isu difaacaan, inta ay beelo cuqdadeysan carruurtooda argagaxiso ka soo dhigeyso bambooyin qarxa oo ay dadka ku xasuuqaan, inta ay siyaasiintu xaalad walba ku eegayaan indho siyaasadeed oo aysan marna ku eegeyn indho danguud, wallaahi sidan iyo ka sii xun ayaan ku jireynaa.

Haatan! Inta ay goori goor tahay, oo arrintu ay ka gaaris leedahay, walaalayaalow, odayaasha dhaqankow, Culumaa’udiinkow, Siyaasiintow, arrinta wax ka qabta. Wallaahi aakhiro Ilaahay ayaa idin soo gola joojin doona oo masuuliyadda aad heysaan ee ay waxan oo dhan ku hoos dhacayaan idin weydiin doona, haddii aydnaan maanta wax ka qaban xaalka taagan.

Shacabku idinka ayey magan idin yihiin, waa intiina aan kor ku soo xusay ee ah ODAYAASHA DHAQANKA, CULUMAA’UDIINKA iyo SIYAASIINTA beelaha Soomaaliyeed ee kala ah MADARKICIS, MURUSADE iyo MUDULOOD, waxayna ka taagan tahay “أليس منكم رجل رشيد”

Fadlan haddii uu hadalkeyga ku dhibayna waan ku raalligalinayaa, ii cudurdaar, xummaan ulama jeedo. Haddii uu gar kula yahayna sii faafi oo dadka la wadaag….”اللهم فاشهد”

W/Q:Abuukar Albadri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso Ra’yiga Axadle, Axadle Group Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada fikrad@axadletimes.com Mahadsanid