Dad badan oo ka falceliyey maqaalkii aan ka qoray Isbahaysiga Seddax Geesoodka ah ayaa isoo waydiiyey waxa Soomaaliya la gudboon.

Waxaan qirsanahay in aan jawaabta su’aashaas lagu degdegin karin, sababtuna waa in aysan ii dhamaystirnay aqoontii, xogtii iyo maqaamkii aan taladaa ku dhiibi lahaa. Ruuxa bani’aadamka ah wax u dhaama malaha in tawaaduco oo uu tabartiisa ogyahay. Horaa loo yiri ma garanayo waa cilmiga barkii.

Laakiin waa suuragal in aan wax bidhaamin ama iftiimin karo. Way ka duwan tahay haddii aad joogto mowqic go’aan gaaris oo aad heli karto xog xasaasi ah, aadna xeerinayso xil iyo masuuliyad. Waxaanse lagama maarmaan in dood caqli gal ah oo danta guud taabanaysa laga yeesho arrimaha masiiriga iyadoon cidna lagu xumaynin ama laga xasdin sababtoo ah John F Kennedy; madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa laga sheegay in uu yiri “Khaladka siyaasadda arrimaha gudaha jab ayeg inoo gaysan kartaa, balse tan arrimaha debedda waa loo dhimanayaa ”

Richard N. Haass oo ah madaxa xarunta adduunka ugu wayn ee siyaasadda arrimaha Dibadda lagu derso ayaa laga hayaa in uu yiri “In aad guul ka gaarto siyaasadda arrimaha dibadda waa sida fuundiga oo kale, waxay ku xiran tahay qalabka aad haysato inta uu la egyahay”  Qalabka waxaa loola jeedaa hay’adaha (Institutions), samaaynta ku leh hannaanka dejinta, go’aaminta iyo ilaalinta danaha amniga qaranka.

Waa in aan ogaanaa markii laga hadlayo siyaasad arrimo dibadeed ee dal leeyahay kama hadlayno shakhsi ama koox ee waxaan ka hadlaynaa hay’adaha soo diyaariya siyaasadda arrimaha dibaddda, kuwa go’aamiya iyo kuwa guulaheeda Amniga Qaranka ku suntan ilaaliya.

Ka sokow hay’adaha siyaasadeed ee fulin oo u xilsaaran go’aan gaarista iyo sharci dejin oo u xilsaaran korjoogtaynta, waxaa laga maarmaan in ay jiraan hay’adaha laf-dhabarka u ah danaha amniga qaran ee siyaasadda arrimaha debeda sida; sirdooon qaran, ciidan qalab sida, kaadir diblomaasiyadeed, xarumo cilmi baaris iyo Akadeemiyo istiraatiijiyadeed. Afrtaa  hay’adood kuma xirna madaxda siyaasadda ee xilka xilligaa haya.

1- Sirdoon Qaran

Sirdoonka, gaar ahaan kiisa arrimaha dibadda iyo milateriga wuxuu laf-dhabar u yahay go’aanka siyaasadda arrimaha dibadda, waana halka lagu soo ururiyo xogta dhab ah ee la xariirta damaca dawladaha kale, gaar ahaan kuwa ood-wadaagga aa tihiin ama dariska.

Diblomaasiyadda xiriirka dawladuhu wuxuu ku dhisan yahay af-macaani iyo in aan dhabta loo wada hadal, balse sirdoonku wuxuu ku siin karaa qiimayn, saadaal iyo dareenka runta ah ee dhinaca kale.

Sanadkii 2009-kii markii la doortay Madaxweyne Shariif ayaan maalintii labaad waxaan shir madaxeedka Midowga Afrika uga qayb galnay Addis Abbaba, maadaama aan weli Raysal-wasaare la magacaabin, xukuumadna la dhisin wafdiga waxaa laga dhigay isku dhaf labadii dhinac ee Ururkii Dib U Xoraynta (ARS) iyo Dawladdii Kumeel-gaarka ahayd ee TFG. Markii uu shirkii dhammaaday ayaa waxaa kulan gaar ah kooxdeenii ARS naga codsaday Meles Zenawi; Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya. Meles wuxuu noola hadlay si qiiro leh oo ay daacadnimo ka muuqato, wayna igu adagtahay inaan dareenkiisa soo gudbiyo maadaama aan hadalkiisa turjumayo.

Meles wuxuu yiri “Soomaaliya markii ay burburtay waxaan isku daynay inaan shirar dib u heshiisiin u qabanno, waan ku guul daraysannay arrinkaas, waxaan ku qasbanaanay in hoggaamiye kooxeedyada wakiilinimo kula macaamilno, maadaama kooxda Al-itixaad ay halis ku noqotay amnigeena qaranka. Waxaa taas nagu qasbay In la waayey dawlad Soomaaliyeed oo aan danaheena amniga qaranka kala hadalno. Madaxweyne waa markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya hesho hoggaamiye taageero buuxda dadkiisa ka haysta. Isfaham darradii innaga dhex dhacday xilligii aad maxkamadaha hoggaaminaysay waxaa sababay kooxda xagjirka ah ee Al-shaab, hadda waxaan diyaar u nahay in aan dhab u wada shaqayno. Waan ogahay Soomalidu waxay dhihi doonaan magaca Raysal-wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada ayaa loo soo dhiibayaa. Dalka adigaa Madaxweyne ka ah, ma jirto cid aan Raysal-wasaare u rabno, walaa wasiir xitaa agaasime, hawshaas waa mid adiga aad go’aankeeda leedahay, Beesha Caalamka waa luggooyo badan yihiin, ha ku sirmin balanqaadkooda afka baarkiisa ah, taleefan ii soo dir wixii aad gacan uga baahan tahay ee aan kaala shaqayn karo ama kuugu loobin garayn karo.”

Markii shirkii soo dhammaaday ayaan kooxdeenii qiimayn ku samaynay hadalkii Meles. Si togan oo niyad wanaag leh ayaa inta badan loo fasiray, laakiin waxaan ku dooday muxuu kale ee uu Meles ina oran lahaa, sababtoo ah dhaqanka diblomaasiyadeed ayaa sidaa ah, laakiin aan ficilkiisa dhowrno.

Nin ragga ka mid ah ayaa igula kaftamay “Awalba jini arag ayaad ahaydeen”. Waxaa muddadii xil haynta Shiikh Shariif ay dhamaatay isaga iyo Meles oo aad isugu xun. Doodaydu waxay tahay waa laga maarmaan sirdoon xog dhab ah kaa siiya kuuna keena wax dhaafsiisan hadalka macaan ee diblomaasiyadda afka baarkiisa ah.

2- Kaadirka Diplomaasi ah

Kaadirka diblomaasiga ah oo u carbisan waxna ka goyn ama garan kara xiriir diblomaasiyadeed ee dagaalka iyo nabadba leh, dhaqaale iyo dhaqan leh, xirfad wada xaajood leh, oo heshiisyada iyo mucaahadooyinka dawliga ah ka soo jilcin kara, talana ka soo siin kara madaxda go’aanka kama danbaysta ah gaaraysa. Waxaa kaloo laga rabaa in uu leeyahay karti uu ku soo ururin karo xogta saamaynta ku leh danaha amniga qaranka, talana ka bixin karo sida ugu habboon ee ay dawladdu uga falcelin karto, dhisi karo xiriir wanaagsan beddelana sawirka dalkiisa, saamayn toganna ku yeesho dalka uu ka hawlgelayo.

Christopher Meyer oo dawladda Ingiriiska safiir uga ahaa Washignton ayaa laga soo xigtay mar uu sifooyinka Diblomaasiga naajixa ah ka hadlayey in uu yiri “ Diblomaasiga wanaagsani waa in uu leeyahay maskax degdeg u fekerta, madax adag, calool aan dabacsanayn, dhoolacadayn diiran iyo indho qabow.” Haddaba, Kaadirka Diblomaasiga ah wuxuu lafdhabar u yahay talada jaangoynta siyaasadda arrimaha dibadda, la’aantii taladii la gooyo waa waa mid aan aqoon ku dhisnayn.

3- Ciidan Qalabsida

Ciidanku  waxay daafacaan danaha amniga qaranka. Waa muruqa lagu tixgelinayo miisaankaaga iyo maqaamkaaga inta uu la egahay, waxay kaloo u diyaarsan yihiin soo dhicinta danaha amniga qaranka marka ay waddooyinka diblomaasiyadeed xirmaan. Waaa cududda ilaalisa madax bannaanida dalka iyo midnimada dhulka, Waana awoodda laguugu ixtiraamayo in aan lagu soo faragelin. Cid walba oo faragelin la’aan kuu ballan qaada waxay noqonaysaa afka baarkiisa haddii aysan jirin awood ciidan oo ay kugu ixtiraamto.

4- Xarumo Cilmi Baaris

Xarumaha cilmi baarista waxay qayb ka yihiin fahamka xiriirka caalamiga ah iyo xiriirka dibadda. Waxay kaloo laga maarmaan u yihiin in aad faham qoto dheer u yeelato dawladaha danta kaala dhaxayso ama iyagu danta kaa leh, waxaa xarumahaas loo yaqaan Think Tank.  Sidoo kale ayaa Akadeemiyadaha Istiraatiijiyada waxaay tababaraan saraakiisha sarsare ee ka shaqeysa sirdoonka , milateriga iyo diblomaasiyadda waxay kaloo qayb ka yihiin ilaha xogta laga helo. Warbaahinta ayaa iyaduna ah ilaha laga helo xogaha Xiriirka Caalamiaga ah, maadamaa ay ka  waramaan dhacdooyinka dunida, lafa guraan danaha dhaqaale, siyaasad iyo ciidan ee xiiriirka dawladig ah.

5- Wadashiga Bahwadaagta

Siyaasada arrimaha dibadda iyo dawladaha ay la  macalaamalayso sedax ayey isugu jiraan. Kuwo aad Bahwadaag Isiraatiiji ah tihiin oo xiriir sokeeye oo walaaltinimo, dhaqan iyo Diin idinka dhexeeyo. Kuwo aad saaxiib Istiraatiiji ah tihiin oo dano gaar ah isku kiin xiraan, halis isku mid ahna ka wada hortegaysaan iyo kuwo xulufaysi guud iyo dano aan joogta ahayn oo xaaladha isla bedelaya idinka dhexeeyaan .

Dawlad Soomaaliya maadaama ay taag iyo tabarba daran tahay waxay ku qasbantahay in wadashi la leedahay Bahwadaagta sokeeye. Maadaama uu isbedelka Geeska Afrika ka dhacay uu saamayn wayn ku yeelanayo Soomaalida Geeska Afrika oo idil waxaa habboonayd in uu talo wadaag jiro.

Laakiin haddii aad damacdo in aad xulufaysi ku maquuniso kuwii dad kuugu xigay ama aad geeska ku geliso bahwadaagtii sokeeye, waxaa hubaal ah in aad noqonayso laacibka ugu faa’iidada yar Isbahaysi kasta oo aad ka mid noqoto

6- Fariin Shacabka

Markii ay hay’adaha ku shaqada leh jaangoynta siyaasadda arrimaha dibadda ay soo diyaariyaan , la tashiyo la sameeyaan kuwa talada ka go’do,  loona xilsaaro hay’ado meelmariya, kuwii ilaalin lahaa danahana ay diyaar yihiin, ayaa waxaa lagama maarmaan ah in madaxda qaranka ay shacabka la xariiraan una soo gudbiyaan ujeedka, istaraatiijiyadda iyo danta ku jirta meel marinta Isbahaysiga si la iskula jaanqaado. Haddii kale sidii uu yiri khabiiirkii Diblomaasiyadda Henry Kissinger ayey kugu dhacaysa. Kissinger wuxuu yiri “ Siyaasad kasta oo arrimaha dibadda si walba oo ay cabqariyad ugu muuqato meel ma gaari karto haddii ay ka socoto maskaxda koox yar ayna ka maran tahay qalbiga shacanka intiisa kale.”

Maadaama uusan dalkeenu lahayn sirdoon qaran, kaadir diblomaasiyadeed, ciidan qalabsida iyo xarumo cilmi baaris, maadaama ciidan ajnabi ah uu ilaalinayo madaxbannaanida dalkeena, qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobayna lagu dhowro midnimada dhulka Soomaaliya, oo aysan dawladda Soomaaliyeed ilaashan karin, Waxaa habboon in mudnaanta lasiiyo dhismaha hay’dihii ilaalin lahaa ama raadin lahaa danaha amniga qarankeena intii aan danihii laga hadal. Laakiin hadii aan faraska ka horaysiino gaariga, waxaan u e kaanaysaa nin waalan oo ku xadgubaya caqliga iyo garaad muwaadinka, kuma sii jirto hadii aad damacdo in aad sedax daqiiqo ku sharaxdo isdhexgal dhaqaale iyo mid Siyaasadeed, lana soo shir tagno in aan dano waawayn ku maqan tahay, guulo taariikhi ahna aad soo dhicisay.

W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame