Cesc Fábregas ayaa la hadlay raadiyaha ‘El Partidazo de Cope’ habeenkii khamiista, waxaana la weydiiyay suurtogalnimada Real Madrid inay qaaado Champions League sannadkii seddexaad ee isku xiga bisha soo socota ee Kiev.

Real Madrid ayaa doonaysa inay gaarto finalka Champions League, xagaagan oo kaalinta sadexaad uga jirta La Liga, waxaana Cesc Fabregas uu aaminsan yahay inay ugu cadcad yihiin inay mar kale noqdaan kooxda Yurub ugu fiican.

Iyadoo ay 2-1 ku badisay, Los Blancos ayaa rajeyneysa inay dhameystiraan kulanka lugta labaad ee Bayern Munich ee garoonka Estadio Santiago Bernabeu si ay ugu soo baxaan finalka oo ka dhici doona Magaaladda Kiev.

“Maxay tahay sababta?” ayuu ciyaaryahankan ku jawaabay mar uu la hadlayay Idaacadda COPE, markaasoo la weydiiyay hadii Champions League ay Los Blancos qaadi karto xili ciyaareedkan marii sadexaad oo xiriir ah

Ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa sidoo kale ka hadlay Andres Iniesta, wuxuu kali ku ammaanay kubada cagta.

“Wax walba oo aad u maleyneyso, Iniesta waa ciyaaryahan weyn,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Markii aan ku guuleysanay Koobka Adduunka, Iniesta si fiican ayuu u ciyaaray, Xavi ayaana si wacan u dheelay.

“Andres waa ciyaaryahanka keliya ee reer Spain ee ku guuleysan kara Ballon d’Or,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, laacibka hada udheela naadiga Chelsea, kaasoo fasal ciyaareedkan aanan muuqaal ciyaareed fiican ku jirin.