Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay isku gadaameyan dhismaha mid kamid Hoteelada Muqdisho ku yaalla, halkaasi oo uu tababar ku saabsan Siyaasada ku bixinayay Xisbiga uu hogaamiyo siyaasiga sida weyn u dhaliila Dowlada ee C/raxmaan C/shakuur.

Tababarka oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa u socday Dhalinyaro uu Xisbiga diiwaan geliyay, waxaana lagu barayay wacyiga siyaasadda iyo hoggaaminta.

Ciidamo booliis ah oo watay gaadiid dagaal ayaa tagay Hotelka  uu tababarka ka socday waxa ayna maamulka hotelka ku amreen in ay joojiyaan siminaarka u socday dhalinyarada katirsan Xisbiga Wadajir oo lagu waday in maanta lasoo gabo gabeeyo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah siyaasi aad u dhaliila dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa falkaasi la isku hor taagay in uu qabsoomo tababarkaas ku micneeyay in uu yahay mid si gaar ah isaga iyo xisbigiisa loogu beegsanayo.

“Waxaa amar ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-mukarama oo maalmahan uu ka socday simanaar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir, Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ayaa caburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday. Waxaa ii muuqata in kooxda talada haysataa aysan lahayn aragti iyo fikir ay dadka ku qanciyaan, waxay naf bideen qori iyo qalalaase”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame oo sidoo kale bartiisa Facebook soo dhigay sawirka Ciidamo Boolis oo banaanka Hotelka ku sugan.

Ma jiro illo madax banaan oo xaqiijinayo in amarka lagu joojiyay tababarka xisbiga Wadajir uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Farmaajo.

Dhowr mar oo hore sidaan oo kale waxaa ciiidamada dowladda Soomaaliya ay is hor taageen, kullamo uu hotelada muqdishu ku lahaa Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda iyo qeybaha kale ee hey’addaha dowladda oo inta hadlin dhacdooyinkan.