Ayadoo colaad dad badan ay ku dhinteen guryo badana lagu gubay ay ka taagantahay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa isisoo taraya baaqyada loo jeedinaya.

Madaxweynihii hore  Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxaa uu si kulul ugu hadlay Dagaal beeleedka ka taagan Duleedka Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Cosoble  oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu dhinacyada dagaalamaya ka ugu baaqay in ay si deg deg ah u soo afjaraan dagaal beeleedka, islamarkaana la damiyo colaada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa odayaasha dhaqanka ka dalbaday in ay ku baxaan goobaha uu dagaalka ka dhacay, islamarkaana ay damiyaan xiisada u dhexeysa maleeshiyaadka.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Maxaas ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 20 Qof halka tiro inta ka badan ay ku dhaawacmeen, ayadoo guryo badana la iska gubay.

Waxaana xusid  mudan inay haatan ay soconayaan dadaalo lagu xalinayo colaada ka taagan duleedka degmada Maxaas, waxaana Arintaasi qeyb ka ah Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.