Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Nicholas Haysom  uu wali yahay ergayga gaarka ah ee u qaabilsan soomaaliya islamarkaana uu sii shaqeyn doono.

Shir jaraa’id qabtay Afhayeen u hadlay Qaramada midoobay ayaa waxa shaaca kaga qaaday Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, isaga oo sidaasi ahna uu ka hadlay golaha ammaanka, wuxuu intaas raaciyey in aaney warqad ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin.

Hadalka Afhayeenka u hadlay Qaramada Midoobay aya waxa ku soo beegmay xili saacada ka hor uu Nicholas Haysom  khudbad uu kaga hadlayo xaalada Soomaaliya ka horjeediyay Shirkii Golaha amaanka ee Qaramada midoobay.

Afhayeenka ayaa shalay sheegay in Qaramada Midoobay ay baareyso sababaha ay Dowlada Soomaaliya u ceyrisay Wakiilkooda Soomaaliya, basle shirkiisa jaraa’id kuma sheegin natiijada kazoo baxday baaritaankii uu sheegay in ay sameenayaan.

Danjiraha Qaramada Midoobay khudbadiisii uu Golaha loo dhanyahay ee Qaramada midoobay kuma soo qaadin go’aanka Dowlada Soomaaliya ay ku ceyrisay.

Waxa uu khudbadiisa ku sheegay in faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso dowlad goboleedyada ay wiiqi karto doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo midda guud ee 2020-ka.

Dowlada Soomaaliya ayaa maalin ka hor shaacisay in aan Dalka Soomaaliya laga rabin Wakiilka Qaramada Midoobay Danjire Nicholas Haysom  kadib markii ay ku eedeyay in uu ku xad gudbay Madax banaanida Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee UN-ka Abuukar Cusmaan oo ka hor hadlay golaha ammaanka ayaa sheegay in Qaramada midoobay iyo cidda wakiilka ka ah ay waajib ka saaran tahay inay ixtiraamaan shaqadooda, oo aaney faro-gelin arrimaha gudaha, isla markaana Soomaalida loo daayo inay aayahooda ka tashtaan.