Warar goordhaw nasoo gaaray ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal Xoog leh oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ayaa hadda ka socda Degaanka Basra oo u dhexeeya Degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Fariisomo Ciidamada Milatariga ay ka sameysteen Degaanka Basra oo Maalmo ka hor ay la wareegeen Milatagiga Soomaaliya.

Labada Dhinac ayaa isku adeegsanaya Hubka Culus,waxaana aan la ogeyn Khasaaraha Labada Dhinac kala gaaray,maadaama uu weli dagaalku socdo.

Dadka Degaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayaan hub culus oo la isku adeegsanayo islamarkaan ay cabsi darteed xabadka dhulka ku hayaan.

Wixii ku soo kordha kala soco Axadletimes.com Insha Allah