Isku aadka wareega quarter final-ka Champions League ayaa la sameeyay iyadoo ay isku aadeen kooxo waa weyn oo kulamadooda aan la saadaalin Karin.

Liverpool iyo Manchester City ayaa ku kulmi doona wareegga quarter-finalka tartanka UEFA Champions League iyadoo la isku beegay labada kooxood ee reer England isku aadkii maanta lagu sameeyey magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Marnaba dood lagama qabo in kulanka Juventus iyo Real Madrid uu yahay kan ugu xoogga badan oo aadka loo wada sugayao.

Labadaan kooxood ee ka wada-ciyaara horyaalka England Premier League ayaa lugta hore ku ciyaari doona garoonka Anfield Road ka hor inta aysan lugta labaad ku ciyaarin Etihad Stadium.

Dhanka kale, seddaxda kooxood ee reer Spain ayaa kala badbaaday, iyadoo Barcelona ay ku beegantay Roma, halka Real Madrid ay la ciyaari doonto Juventus.

Kooxda Sevilla ayaana lagu aadiyey Bayern Munich oo ka dhisan Jarmalka.

ISKU AADKA WAREEGGA QUARTER-FINALKA UEFA CHAMPIONS LEAGUE

Barcelona vs Roma

Sevilla vs Bayern Munich

Juventus vs Real Madrid

Liverpool vs Manchester City

Ciyaaraha lugta koowaad waxaa la ciyaari doonaa 3da illaa 4ta bisha soo aadan ee April, halka ciyaaraha lugta labaad la ciyaari doono 10ka illaa 11ka bishaas April.