Macallinka ku hooggaamiyay Real Madrid inay hanato saddex jeer oo is xigta tartanka Champions League-ga ayaa ku dhowaaqay inuu iska casila shaqada tababarka kooxda Real Madrid.

Daqiiqado ka hor ayaa uu macallinka Faransiiska ah isugu yeeray maamulka Rela Madrid iyo saxaafadda isagoo caddeeyay inuu soo gabagabeynayo xilligii quruxda badnaa ee uu maamulayay Los Blancos.

Zidane oo noqday macalinka kaliya ee ku guuleystay saddex jeer oo xiriir ah koobka UEFA CHampions League tan iyo markii magacaan loo bixiyay ayaa subaxnimadii arbacada aheyd gaaray go’aankaan isagoo ku wargaliyay Florentino Perez.

Sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha kooxda Florentino Perez, ninka reer France isaga ayaa go’aansaday inuu isaga baxo garoonka Santiago Bernabeu maalmo kadib markii uu kooxda u qaaday koobkii1 3-aad ee Champions League.

“Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay madaxweynaha, wuxuu i siiyay fursad ka ciyaartoy ahaan iyo ka maamul ahaan aad baan ugu mahadinayaa” ayuu yiri Zidane oo ka hadlay shirka jaraa’id ee maanta.

“Balse waa inaan badalnaa” ayuu yiri Zizou.

Dhanka kale Florentino Perez wuxuu saxaafadda horteeda ka qiray inuusan jecleysan go’aanka uu gaaray Zidane balse ay aheyd go’aankiisii ugu dambeeyay.