Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay Shirka Madaxda maamul goboleedyadda ee ka furmaya Magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in ay kulmaam Madaxda maamul goboleedyadda, Maadaama uu sheegay in xilliggaan waxyaabo badan ay ka dhaxeeyaan maamulada.

Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in Shirkaasi looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin Qeybsiga Kheyraadka dalka, Dastuurka iyo wada shaqeynta dowladda Dhexe.

Maamulada dalka ka jira ayuu sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta Arrimaha Soomaaliya.