Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goobjoog ka ahaa halkii uu isku casilay madaxweyne hore Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuuna ka jeediyay hadal kooban markii  uu halkaas booqasho ku tagay wasiirka.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay inay deg deg ugu soo baxeen Qalalaasaha ku yimid Doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo 17 Bishaan oo 10 Cisho ka harsan tahay.

Waxa uu bogaadiyey Dedaalkiisii Hogaamineed Ee Shariif Xasan,waxa uu sheegay inuu ahaa mid saaxiib ay ahaayeen kuna sheegay Shakhsi aad uwanaagsanaa.

Wasiir Sabriye waxa uu diiday in arimaha dhexmaray Shariif Xasan ka hor is casilaadiisa uu Warbaahinta la wadaago,taas oo shaki kale Abuurtay.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya waxa uu sheegay inay ka rajeenayaan sidii loogu talo galay Doorashada Udhacdo,madaxweyne dadka iyo deegaankana anfa usoo baxa 17 Bishaan Maamulka K/Galbeed Soomaaliya.

Eng,Sabriye ayaa sheegay in Shariif Xasan Uu Soo Laaban doono Siyaasadana Xil uu ka qaban doono,balse uusan muujin xilkaas.

Wasiir Sabriye ayaa tilmaamay  inuu u mahadcelinayo una hambalyeeynayo madaxweynihii hore Shariif Xasan.

“Walaalayaal annagu waxaa ku nimid, arrin u baahnayd inaan u imaanno oo aan wax ka fariisinno oo maamulka Koonfur Galbeed ka jirtay iyo arrimaha hadda uu madaxweyne Shariif ku hormaray” ayuu yiri wasiir Sabriye.

Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan, ayuu  sidoo kale ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la waqtiyeeyey 17-ka bishan November.

Shariif Xasan ayaa sheegay inuu go’aanka, qaatay “isaga oo eegaya arrimaha ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed”