Qaar ka mid ah Waxgaradka maamulka Puntland ayaa war kasoo saaray doorashadda maamulka Puntland ee lagu waddo in ay ka dhacdo Magaalada Garowe 8 Bishaan.

Waxgaradka ayaa ka digay in doorashadda ay ka dhalato Khalalaase iyo in lacago laaluush ah ay dhiibaaan Musharaxiinta, waxaana xildhibaanada ay ugu baaqeen in ay doortaan qof ugu haboon.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxaa loo qorsheeyay in ay dhacdo 8-da bishan oo ku beegan maalinta Talaadada ah,waxaana u taagan qabasha xilkaasi Musharixiin badan oo uu kamid ah Madaxweynaha xilheyntiisa sii dhamaaneysa ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

ku dhawaad 10 Musharax oo u tartamayay Doorashada Puntland ayaa xalay Garoowe kaga dhawaaqay inay ka tanaasuleen Doorashada Madaxweynaha Puntland.

waxg