Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Caqabadaha ugu weyn ee Hortaagan Xeer ilaalinta ay tahay Siyaasadeenta iyo Qabyaaladeenta Kiis Dacweedyada.

Waxa uu sheegay in la siyaasadeedayo kolka ay gacmaha la galaan Dacwooyinka kala duwan, arrintaas waxa uu ku tilmaamay in ay noqotay Caqabad hor istaagta guda gelista Kiisaska.

Baarista ay sameynayaan ayuu tibaaxay in ay u maracayaan Cadaaladda, hadii dambi uu kusoo baxo dadka dagabalka lagu hayo ay u gudbiyanaan Cadaaladda si loo marsiiyo waxa uu mudan yahay.

Qofkii lagu waayo dambi Dr.Axmed Cali Daahin waxa uu sheegay in lasii deyn doono, balse arrinta ay doonayaan ay tahay in lagu kalsoonaado Xeer ilaalinta loona madaxbaneeyo shaqadeeda.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday eed kaga timid Madaxda Maamul Goboleedyada oo ah in Xeer ilaalinta la siyaasadeeyay.

Waxa uu sheegay in ay Si madaxbanaan u gutaan shaqadooda, Madaxda Maamul Goboleedyada ayuu sheegay in aysan heyn Xog ku aadan Hab shaqeynta Xeer ilaalinta.

 

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa ugu dambeyn sheegay in aan jirin Cid amar ku siiso in ay soo qabato dad gaar ah ama lagu amro siideynta shaqsiyaadka ay Xeer Ilaalintu qabato.