Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa sheegay iney dejinayaan qorshe cad oo looga hortagayo qaraxyada.

Ducaale ayaa hadalkan ka sheegay shir shalay magaaladda Muqdisho uga furmay shir wada-tashi ah oo ku saabsan ka hortagga qaraxyada gacan ku sameyska ah.

Shirkan ayaa ka qeyb galay qaar kamid ah Saraakiisha Amniga, Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Amniga gudaha iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado ka hortagga Qaraxyada Kooxda Alshabaab ay ku xasuuqaan dadka Shacabka ah

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan ka hortagga Waxyaabaha qarxa, islamarkaana looga baahan yahay inay ku war geliyaan Ciidanka haddii ay arkaan dad amni daro wada.