Khabiirka ciyaaraha BBC Sport ee Alan Shearer horena ugu ciyaari jiray Newcastle ayaa kula taliyey Chelsea inay wax walba u samayso sidii ay ugu qancin lahayd Hazard inuu sii joogto garoonka Stamford Bridge.

Shearer oo la hadlayey BBC, waxa uu tibaaxay in wax kasta oo ku dhaca xili ciyaareedka dambe Antonio Conte aanay saamayn badan ku yeelan doonin Chlesea marka la barbar dhigo sida kooxdu u wiiqmi doonto haddii uu Hazard ka tago.

“Laacibka afka hore ee reer Belgium laba sannadood ayaa uga hadhay heshiiskiisa, haddiise uu doonayo inuu tago, wuu tegi karaa.” Sidaas ayuu yidhi Shearar.

“Real Madrid iyo Manchester City ayaa xiisaysaynaya, waana la fahmi karaa inay si dhab ah u doonayaan, sababtoo ah, waxa uu mar kale muujiyey inuu yahay laacib ciyaarta wax ka beddeli karaya kulankii finalka FA Cup ee Sabtidii oo uu qabtay shaqo wanaagsan oo geyn karaysa meesha uu doono.” Ayuu mar kale yidhi.

Shearer waxa uu tilmaamay in sannadkii 2015 markii ay Chelsea ku guuleysatay horyaalka ee uu Mourinho joogay, uu Hazard noqday ciyaartoyga ugu fiican sannadka horyaalka Premier League, laakiin isagu uu dareemay inuu noqon doono xiddiga adduunka.

“Weli xiddigga adduunka wuu noqon karayaa, waayo waa 27 jir, haddii uu Koobka Adduunka kusoo bandhigo awooddiisa, waxa uu tegi karayaa meeqaam ku habboon, sababtoo ah ma jirto meel laysku muujiyo am am aka wanaagsan Koobka Adduunka.” Ayuu ku daray.

Geesta kale, Alan Shearer waxa uu qiray in xili ciyaareedkani aanu u fiicnayd Hazard iyo kooxdiisa oo hoos u dhac ku yimid, balse wixii uu Sabtidii ku sameeyey Manchester United ay fursad wanaagsan u tahay inuu saamayn ku yeesho koobka Adduunka ee xagaagan lagu qabanayo Ruushka.