Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka ay ku xayiran yihiin garoonka, iyagoo sugaya ogolaansho ay ugu kicitimaan magaalada Garowe, kaddib markii Maamulka Puntland uu amar ka soo saaray in aanay deegaanada imaan karin mas’uuliyiinta dowladda Federaalka inta lagu guda jiro doorashada Puntland.

Sida wararku sheegayaan dadaalo ay wadeen Isimada Puntland iyo Madaxweynihii hore Puntland C/raxmaan Faroole oo ah Senator ka tirsan aqalka Sare oo u ololeynayay inay Garowe tagaan Mas’uuliyiinta dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanaya C/weli Gaas uu diiday inay Garowe ka soo degaan Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka, si aysan u faragelin doorashada dhaceysa maalinta Talaadada ee soo socota oo taariikhda ku beegan 8 January.

Mas’uuliyiinta dowladda ee la qorsheynayay inay tagaan Garowe ayaa waxaa ku jira Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda Puntland.

Todobaadkii hore waxaa ka degay magaalada Garowe Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo laga soo doorto Puntland, kuwaasoo aanan ku jirin xubnaha Wasaaradda Amniga Puntland amarka ka soo saartay.

Ciidamo fara badan ayaa la dhigay waddooyinka magaalada Garowe, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir, waxaana amar lagu bixiyay diyaarad ka timaada magaalada Muqdisho oo ay la socdaan Mas’uuliyiinta dowladda aysan ka soo degi karin garoonka.