15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay Kulan Khaas ah ka yeesheen Arrimaha Somalia, gaar ahaan Hawlgalka AMISOM iyo dhimista Tiradda Ciiddankaasi.

Goluhu waxay isku raaceen inay taageero u fidiyaan AMISOM, lana kordhiyo xilliga Daad-gureyntooda oo la gaarsiiyey ilaa dhamaadka bisha July ee sannadkan.

Qaraarka Golaaha Ammaanka ee QM waxa u umar kale ku baaqay  go’aankii hore ee Ururka Midowga Afrika ku xaqiijinayaan dhimista Tirada Ciiddanka AMISOM aan labisnayn la gaarsiiyo 20,626 Askari, halka ay haatan ka yihiin 22,126 Askari .

Waxaa lagu sheegay in muddada dhimista Askarta Milatariga ah ay bar bar socoto ku beddelidda Askar Boolis ah oo gaaraya 1,040 Askari oo Booliska AMISOM ah.

Waxaana Booliska loo qeybin doonaan Shan Unug oo ah Boolis xirfadyahanno ah,kuwaas oo ka qeybqaadanaya dhismaha iyo tababarka Booliska Soomaaliya.

Qorshaha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu yahay in 70% laga dhigo mid rayid ah,iyada oo la dhisayo Ciidan Soomaali ah oo gaaraya  10,900,kuwaas oo xaqiijinaya amniga dalka iyaga oo kaashanaya Booliska AMISOM.