Maalinta Isniinta ee taariikh ku beegantahay 14-ka Bishan ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni uu si rasmi ah Xilka ula wareego.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa u diyaar garoobaya sidii uu xilka ugu wareejin lahaa Madaxweynaha la doortay Saciid C/llaahi Deni kaasoo doorashada kaga adkaay 20 Musharax oo la tarmayay.

Xil wareejinta kadib mudo Saddex todobaad Gudahood ah ayaa laga sugayaa Madaxweynaha cysyb ee Puntland in uu kusoo Magacaabo Golihiisa Wasiirada,waxaana horyaalla Shaqooyin adag iyo in uu isbedel la yimaado.

Tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu waday kulamo kala duwan,waxana Maanta uu kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland.

Kulankan ayaa loogaga hadlay arrimo la xiriira howlaha maaliyada iyo sida ay u dhaqangashay wareegtadii ugu horeysay ee uu soo saaro Madaxeyne Deni taasoo lagu xayiray dhammaan kharashaadka Maamulka Puntland.

Howsha ugu adag ee Madaxweynaha cusub ee Puntland Mr Deni hortaal ayaa waxa ay tahay xiriirka Dowlada dhaxe iyo Maamulka Puntland aad aad u xumaa intii uu talada hayay C/wali Gaas kasoo xataa Madaxda Dowlada ka mamnuucay in ay tagaan Deegaanada Puntland.