Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa muddo seddex maalin ah u qabtay guddiga maaliyadda Baarlamaanka oo maalin ka hor isbadal lagu sameeyay.

Mahad Cawad, ayaa guddiga maaliyadda ku wargaliyay in laga doonayo in muddo seddex maalin ah ay kusoo diyaariyaan miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2019, iyaga oo laga doonayo inay baarlamaanka ku horgeeyaan muddadaasi kooban.

Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka ayaa Isbadal lagu sameeyay shalay oo Arbaco aheyd ayadoo isla galinkii dambe doortay Guddoon cusub.

Waqtiga uu Cawad u qabtay Guddiga Maaliyadda in Golaha Shacabka ku hor geeyay Miisaaniyada Dowlada ee 2019-ka ayaa ku aada Axada 30-Desember 2018.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegaya in muddadaasi ay ku yar tahay guddiga maaliyadda maadaama laga doonayo inay diyaariyaan miisaaniyad qaran oo sanad dhan lagu shaqeyn doono.

Muddada loo qabtay guddiga maaliyadda ayaa ku eg maalinta Axadda soo socoto oo taariiqda ay ku beegan tahay 30 December.

Xildhibaan C/risaaq Jindi oo ka mid ah baarlamaanka ayaa sheegaya in dowladda ay macquul tahay inay ku shaqeyso miisaaniyadda sanadkii 2018, sidii dhacday sanadkii lasoo dhaafay, maadaama guddiga aysan heysan waqti dheer oo shaqo badan ay ku qaban karaan.

Xildhibaanad qaar ayaa rumeysan in Saddexda bil ee Sanadka cusub ugu horeysa ay Dowlada isticmaali doonto Miisaaniyada sanadka 2018.