Rag hubeysan caawa  Degmada Xamar Weyne  ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen Gudoomiye waaxeed iyo ruux shacab ah.

Dableydaan ayaa dilay gudoomiyaha waaxda Horseed ee degmada Xamar Weyne,  iyo qof shacab ah oo kamid ahaa dhalinyarada degmadaasi.

Guddoomiye Waaxeedka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xaaji Iikar,iyadoo qofka shacabka ahna Magaciisa lagu sheegay Maxamed Muxudiin Buuwe.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafadda  Koodka,isla markaana Ragg dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Xaafada Koodka ee degmada Xamar Weyne oo ah halka uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka, iyagoo halkaasi ka Meydka Guddoomiyihii Waaxda Horseed ee Degmada Xamarweyne

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in Ciidamada halkaas ay ka bilaabeen howlgal lagu baadi goobayo dableyda dilka geysatay.

Degmada Xamar weyne ayaa ka mid ah Degmooyinka ugu nabdoon Magaalada Muqdisho marko loo eedgo dilalka qorsheesan ee ka dhaca Degmoyinka kale.