Degmada Warta nabada ee Magaalada Muqdisho waxaa caawo rag bastoolado ku hubeysan ay ku dileen mid ka mid ah Guddoomiye waxeedyada Degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in laba dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado ay toogteen Guddoomiye Waaxeedkii Waaxda Saddexaad ee Degmada Warta nadaba ee Magaalada Muqdisho kaasoo Magaciisalagu soo koobay Abuukare.

Ragii ka dambeeyay dalka Guddoomiye Waaxeedka ayaa waxaa la sheegay in ay durbo goobta ay ka baxsadeen.

Ciidamada ammaanka degmadaasi oo goor dambe gaaray goobta lagu dilay gudoomiye waaxeedkaasi, ayaa waxa ay halkaasi ka bilaabeen howgal lagu baadi goobayo ragii dilkaasi ka dambeeyay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada goobta ay ka wadaa baaritaano ku aadan sida uu falka uu dhacay.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo kasoo baxay maamulka Degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir oo ku aadan Guddoomiye Waaxeedka ka tirsanaa Degmadaasi ee Caawa la dilay.

Todobaadkii tagay ayey aheyd markii Taliyihii Booliska degmada Warta Nabada lagu dilay goob ku dhaw saldhiga Booliska Degmadaasi.