Real Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii seddexaad ee Champions League iyadoo u mahad celineysa xiddigaha Gareth Bale iyo Loris Karius.

Real Madrid ayaa waxay sameysay Bal dahab ah wayn kaasoo ah inay ku guuleysteen Champions League markii saddexaad oo xiriir ah, kadib markii ciyaartii ka dambeysta ah ee ka dhacday Magaalada Kiev ay ku garaaceen Liverpool.

Gareth Bale oo kulanka bedal kusoo galay ayaa wuxuu ahaa midka go’aamiyay kadib markii uu dhaliyay labo gool, kuwaasoo mid kamid ah uu ahaa kii ugu qurux badnaa ee ilaa iyo haatan laga dhaliyo UCL, wallow uu mid hore udhaliyay Cristiano Ronaldo.

Goolasha kale ayaa waxaa dhaliyay Karim Banzema, kaasoo ciyaartaan bandhigeeda furay, islamarkaana shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 50aad ee qeybta koowaad, laakiin waxaa ka bareejeeyay daqiiqadii 55aad Sadio Mane.

Guushaan waxay Real Madrid kaga dhigan tahay inay hanteen koobkaan markoodii 13aad taariikhda oo idil, waana kooxda ugu badan ee koobkaan hanatay, mana jirto koox usoo dhawaan karta marka laga hadlo qaadistiisa.

Sidaasi si lamid ah waxay sameeyeen wilasha Zidane taariikh kaloo wayn, taasoo ah inay ku guuleysteen koobka ugu xiisaha iyo xamaasada badan heerka kooxeed ee aduunka, markii saddexaad oo xiriir ah mana jirto koox sidaas horey usameysay.

Hadaba, waxaan halkaan hoose aan idin ugu soo gudbin doonaa qaar kamid ah sanadihii ay horey usoo qaaday Madrid koobkaan, kaasoo markii ugu horeysay oo ay hanato uu ahaa 1957, markaasoo la oran jiray European Cup-ka.

Sanadihii ay kala qaadey kooxda kubada cagta Real Madrid, ee wadanka Spain koobka way nee Champions League ayaa waxay kala yihiin: 1956, 1957, 1958, 1959, 1960, 1966, 1998, 2000, 2002, 2014, 2016, 2017 iyo 2018.