Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in xalay uu hawlgal ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kaasi oo ka dhacay Deegaanka Ufurow ee Gobolka Baay.

Hawlgalkan ayay Koonfur Galbeed sheegtay inay fuliyeen Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, waxaana ciidanka hawlgalka fuliyay ay ka baxeen Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in hawlgalkaasi lagu dilay Guddoomiyihii Shabaabka ugu magacawnaa Ufurow oo lagu magaciisa lagu soo gaabiyay Ibdiyow.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa bogaadiyay hawlgalka ay ciidanka ku dileen Guddoomiyihii Shabaabka ugu magacawnaa Ufurow.

Wasiirka ayaa Ciidamada Koonfur Galbeed ugu baaqay inay kordhiyaan weerarada gaarka ah, ee ay ku beegsanayaan Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee ku sugan Degaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalmo kahor amray in ciidamada ay qaadaan dagaal ka dhan ah Shabaab, si looga saaro degaanada gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.