Afar ka mid ah xisbiyada mucaaridka ah ee dalka Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inay midoobeen.

Xisbiyada kala ah Semayawi Party (Blue Party), Ethiopian Democratic Party (EDP), Patriotic Ginbot 7 and Unity Party (UP) ayaa sheegay inay samaynayaan isbahaysi cusub oo ay awoodooda iskugu geeyaan.

Xisbiga cusub ayey sheegeen inay samayn doonaan dhamaadka bisha March ee sanadkan kaas oo salka ku haya xaqa ay muwaadiniintu u leeyihiin inay ka qayb qaataan arimaha siyaasada.

Madaxa Xisbiga xisbiga Blue Party Yeshiwas Assefa ayaa sheegay in isbahaysigoodu uu tusaale u noqon doono xisbiyada kale “Go’aankayagu waa inaanu tusaale u noqono xisbiyada kale kuwaas ka shaqayn doona sidii ay noo soo raaci lahaayeen, xisbiga cusub ee aanu samayn doonaana waa mid salka ku haya Itoobiya midaysan, xoriyad ay helaan muwaadiniintu, lahaansha dhulka iyo awooda ee shacabka.”