Kanada, oo ah wadan lagu Qiyaaso Dadka ku nool 37 milyan oo qof, waxaay doonayaan inay tiradaas ku daraan in ka badan 1 milyan oo muhaajiriin ah ilaa 2021.

“Waxaaan ugu mahadnaqaynaa dadka cusub ee aan soo dhoweynay Marka la Taarikhda dib logu noqdo, Kanada waxaay noqotay waddan xoog leh oo firfircoon oo aan dhammaanteen ku faano kana fa’idno,” ayuu Ahmed Hussen, wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyaddaha, ku qoray warbixinta sannadlaha ah ee Baarlamaanka.

“Muhaajiriinta iyo carruurtooda waxaay dalka ku soo kordhiyeen Daqli faa’iido uu noqdey Kanada, guusheena mustaqbalkuna waxaay ku xiran tahay sii wadidda xaqiijinta in la soo dhaweeyo oo si wanaagsan loo dhameystiro is dhexgalka bulshadda.”

Baarlamaanka dalka Canada ayaa ansixiyay in loo oggolaado soo galooti ka badan hal malyan oo ruux inay yimaadaan  wadankeeda saddexda sano ee soo socota.

Tiradan oo ah ku dhowaad boqolkiiba hal dadka ku nool wadanka Canada ayaa dad kabadan 286,000 waxa ay dowlada Canada siisay sharci sanadkii 2017ka waxaana la filayaa in dad gaaraya 350,000 ay sharci degenaansho helaan sanadkan.

Axmed Xuseen oo laftiisa qaxootinimo ku tegey dalka Canada asalkiisuna yahay Somali ayaa aaminsan in dadka badan ee imanaya dalka Canada ay gacan ka geysanayaan horumarka wadankaas oo dadkiisu sii gaboobayaan isla markaana ay hoos u dhacday carruurta ku dhalaynaysa wadankaas.

Mowqifka ay qaadatay dalka Canada ayaa ah mid aad ugaga duwan tan dowlada Maraykanka iyo inta badan wadamada reer galbeedka oo haatan albaabada ka xirtey soo galootiga u badan kuwa ka soo cararaya qaarada Afrika iyo wadamo kale.

Dalka Canada ayaa ogolaaday in uu qaxootinimo siiyo gabar u dhalatay dalka Sacudi Carabiya Rahaf al Qanun oo waalidkeed ka soo carartay laguna qabtay magaalada Bangkok ee dalka Thailand.