Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed, ayaa gaaray deegaanka Busleey ee Gobolka Baay Busleey waxey 24KM ujirtaa Magaalada Baydhabo.

Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegtay inay bilowday hawlgal ay ku baadigoobayaan Shan ka tirsan shaqaalaha Hay’adda Bisha Cas oo shalay gelinkii dambe ay Shabaab ka afduubteen degaanka Busleey oo 20-KM ujira magaalada Baydhabo.

Masuuliyiinta Bisha Cas ayaa waxa ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin xaaladooda nololeed Saddex Dumar ah iyo Laba Rag oo shaqaalahooda ka tirsan, kuwaasi oo ilaa hadda lagu la’ yahay afduub iyaga iyo gaari NOAH oo ay wateen.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi Aadan ayaa sheegay in ciidamo ammaanka ka tirsan ay ku baxeen goobta lagu afduubtay shaqaalaha, islamarkaana ay baadi goob ku hayaan.

“Ilaa hadda way maqan yihiin, ciidan ayaan u dirnay goobta lagu afduubtay shaqaalahan, markii hore iyaga ayaa qalad sameeyay oo Hay’adaha amniga aanan ku soo wargelin inay halkaasi aadayaan, hadda kadib waxaan adkeyneynaa isla xisaabtanka aan la yeelaneyno Hay’adaha ka hawlgalla degaanadeena”. Ayuu yiri Wasiir C/risaaq.

Ururka Al Shabaab ayaa meelaha ay ka joogaan Koonfurta Soomaaliya ka mamnuucay shaqaalaha gargaarka ah ee arimaha Bini’aadinimada ka shaqeeya.Majirto, wali cid sheegatay masuuliyada AFduubka Shaqaalaha Bisha Cas, waloow Koofur Galbeed ay ku eedeysay iney ka dnabeeyaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo hore sidan oo kale u afduubtay Shaqaale caafimaad.

Shaqaalaha la afduubtay oo shan ahaa ayaa 3 Kamid ah waxa ay ahaayeen Dumar, halka labada kalena ay ahaayeen Rag, sidaas waxaa sheegay Wasiir kuxigeenka amniga.

Majirto, wali cid sheegatay masuuliyada AFduubka Shaqaalaha Bisha Cas, waloow Koofur Galbeed ay ku eedeysay iney ka dnabeeyaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo hore sidan oo kale u afduubtay Shaqaale caafimaad.