Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani.

“Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka iyo Masuuliyiinta Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdulaahi Dani.

“Shacabka & mas’uuliyiinta Puntland waxaan ugu baaqayaa in lala shaqeeyo madaxwayne Siciid”.

Dhanka kale Ra’iisalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleid Khadar ayaa Hambalyo udiray Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Puntland Muddane Siciid Cabdullahi Deni.

Avv: Khadar Gulleid ayaa qoraal kooban uu ku baahiyay Bartiisa Twitterka waxa uu Hambalyo iyo ducaba u diray Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni wuxuuna Maamulka Puntland u rajeeyay badhaadhe iyo sanado badan oo kale oo horumar ah.

Ku Xigeenka Ra’iisalwasaaraha ayaa amaanay hanaanka is fahamka iyo qaneecadu ku jirto ee loogu kala baxay doorashadda waxaana uu xusay in Puntland  uu u curtay waa cusub oo ay ku tartami karto horumar.

Ugu dambayn Ra’iisalwasaare ku xigeenka dalku waxa uu uduceeyay Madaxweynaha cusub Shacabka Puntland wuxu ku booriyay inay nabadgelyo kusoo dhoweeyaan hogaankoodda Cusub.

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Md Khadar Gulleid ayaa ilaa hadda ah Masuulkii ugu horeeyay ee dawladda Federaalka ah Hambalyo u dira Madaxweynaha Cusub ee yeelatay Puntland.

Saciid Cabdulaahi Dani ayaa ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Puntland ee ka maanta ka dhacday Garowe, isagoo Wareega Sedexaad helay 35-cod.