Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka

Guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka kooban 11 xubnood oo ay kujiraan Wasiirro ka tirsan Xakuumadda.

Shaqooyinka ay qaban doonaan gudigan uu magacaabay Ra’iisul wasare Kheyre ayaa waxaa kamid ah soo tiro koobidda hantida wasaaradaha ,Hay’adaha hoosyimaada iyo xafiisyada madaxa banaan, soo gudbinta xogta iyo soo celinta dhulalka iyo gaadiidka dowlada ee la haysto.

Waxaa kaloo shaqooyinka ay qaban doonaan gudigan kamid ah in ay sida ugu dhakhsiyaha badan Ra’iisul wasaraha ugu soo gudbiyaan warbixin tifaftiran oo la xiriirta soo tira koobidda iyo soo celinta hantida dowladda.

magacaabis-555x740