Muddo bil ah oo laga dhursugayay in Madaxwayne Siciid C/llaahi Deni uu soo dhiso xukuumadiisa, ugu dambanytii maalin axada taariikhduna ku beegnayd 10/02/2014 ayaa lugu dhawaaqay liiska golaha wasiirada maamulka Puntland.

Maadaama 14 bari dheeri ah loogu daray waxaa la filanayay inuu soo dhiso xukuumad dhinac walba ka misaaman marnaba lama filayn in uu soo dhisi doono xukuumad shacabweynaha kala kulmaan niyad jab iyo muraaro-dillaac oo sida shacab badani qabo la mid noqotay duddumadii foolatay ee jiirka dhashay.

Run ahaantii marka laga eego dhinaca rikaabki uu watay Deni, ma ahayn mid la fogaysan karay inuu ka badin waayo magacaabidda wasiiradiisa qayb ka mid ah oo ka aradan dadnimo, aqoon iyo sooyaal wanaagsan intaba oo waliba qaarkood iska daaye in xil loo dhiibo e, dambiyada ay bulshada ka galeen oo ay ugu wayntahay lunsashada iyo boobka hantida dadwayne ku mutaysan lahaa ciqaab iyo xarig.

Dadka yaqaanna Deni kuma sheegaan nin aragti hogaamineed iyo hiraal aragnimo wayn ku fadhiya, hase ahaatee xumaan shakhsi ah qof ka sheegaya wuu yar yahay; balse dhibaatada xukuumadiisa haysata waa isaga oo gacanta u galay koox danleey dhaqaale ah oo aan dad iyo dal midna u diirnaxaynin.

Kooxdaas waxaa loo yaqaan Aaranjaan, waxay samaysmeen oo ay bulaaleen xilligii C/raxmaan Faroole talada Puntland hogaanka u hayay, sanadihii 2009-2014, waa xayn ganacsata ah oo u badan gobolka Nugaal oo awoodda dowladda mar walba u adeegsada xaqiijinta dano dhaqaale iyo maslaxado shakhsi ah.

Kooxdaan waxaa ugu miisaan culus ganacsade Maxamuud Warsame Shiddo iyo wasiirka la magaacabay ee Xasan Shire Abgaal, labadan kaaba laadaro iyo kooxdooda aaran jaan waxay maalgaliyeen ololihii doorashada federaalka ee 2016kii ee Mudane Deni wareegii horeba ku haray iyo doorashadii u dambeesay ee ka dhacday Puntland uu mudanuhu Puntland madaxwaynaha kaga noqday.

Maxamuud Shiddo, hogaamiyaha kooxda Aaran jaan, waa ninkii imaaraatka gacantiisa uga soo qaaday adduun dhan 3 malyan 2014kii si ay uga qayb qaataan doorashada puntland uu doonayay faroole inuu dib u hanto xukunka puntland, lakin faroole ma soo bixin halkaasna guusha waxa ay kuu raacday c/wali .

Maxamuud shiddo oo ah nin firfircoon ayaa doorashadii danbe waxa uu ka shaqeeyay isku-xirka kooxda Islaax iyo Imaaraad,. Sidoo kale hay’adda PMPF oo ay garwadaynka ka yihiin kooxda Aaranjaanka , taageerana ka hesha dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kaalin lixaad leh ka qaadatay kuna taageertay dhaqaale ahaan Siciid C/llaahi Deni ka soo hadda u muuqda magac mooyee nin aan talo badan gacanta ugu jirin.

Prev1 of 3