Kooxda Horseed ayaa soo bandhigtay goolhayihii hore naadiga Heegan Xasan Cabdullaahi Karaama,kaa soo ka mid noqday kooxda Cawa iyo Maalin.

Xiddiga ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu tababar la sameenayay kooxda Jeenyo oo qeyb ka ah naadiyada heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya.

Goobta lagu soo bandhigayay xiddigan ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Guud ee naadiga kooxda Horseed Maxamed Xasan Maxamed iyo xoghayaha naadiga Maxamed Xuseen Shiine Carabeey.

Maamulka kooxda Militariga ayaa si weyn u soo dhaweeyay goolhayahan oo ka mid ah shabaq illaaliyaasha ugu wanaagsan Soomaaliya. Xiddiga oo si kooban ula hadlay ayaa Yiri Waan ku faraxsanahay in aan kusoo biiro kooxda Horseed, waa naadi weyn,waxaana rajeenayaa in aan guulo iyo koobab la qeysan doono.