Waxaa hada soo dhamaatay codbixintii wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha Puntland oo saaka ka socota Baarlamaanka Puntland.

Wareegii labaad ayey isugu soo hareen sadexda murashax ee ugu codka badnaa wareegii kowaad. Waxayna natiijada wareega labaad noqotay:

Gen.Asad Cismaan Cabdullahi – 30 cod

Siciid Cabdullahi Deni – 29 cod

Farax Cali Shire –  7 cod

Waxaana sidaa wareega ugu danbeeya ee codbixinta ugu gudbay labada murashax ee ugu codka badan oo kala ah Gen.Asad iyo Siciid Cabdullahi Deni.