Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho xaladiisa ayaa saaka dagan kadib markii xalay fiidkii uu ka kacay dab xoogan oo baabi’iyay goobo ganacsi, ayadoo xalay saqdii dhaxe lagu guuleystay in dabka la damiyo.

Dabka ayaa ka bilowday qeybo ka mid ah Suuqa  weyn ee bakaaraha gaar ahaan goobta lagu iibiyo dharka Hudheyda loo yaqaan iyo kawankii hore, isagoo ku fiday qeybta maacuunta iyo qeybo kale.

Wararka dheeriga ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dabka uu ka bilowday koronto, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka dab demiska maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadda hormuud ayaa gacan weyn ka geystay deminta dabkan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa warbaahinta u  sheegay in dabka uu baabi’iyay hanti badan oo ay laheyd ganacsatada isla markaasna ay xakameeyeen in dabka uu kusii fido guud ahaan Suuqa.

Tuulax wuxuu sheegay in qeyb badan oo kamid ah Suuqa uu gubtay balse inta ay ogyihiin aysan jirin dadka ku dhintay dabka .

Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan waxa dhaliyay dabka iyo dhibaatada rasmiga ah.

Dabka ayaa ka kacay qeybta Hudheyda dukaan yar oo ku yaalla, waxaana uu gaaray ilaa iyo qeybta Maacuunta oo ku dhegan Suuqa Khaliifa.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay taggaan Saacaddaha soo socda goobta uu dabku ka kacay si loo qiimeeyo hantida ku gubata